Pages

Wednesday, December 17, 2014

Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake Halkee Buu Ku Dambayn Doonaa+MAQAAL MUHIIM AH(fadlan wll Akhri)

marka hore waxa aan hadalkayga ku bilaabayaa magaca Eebe ee naxariita guud iyo naxariista gaarka ahba leh
intaas ka dib waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa raysal wasaaraha cusub ee Somalia ee maanta la doortay
waxa aanan ilaahay uga baryayaa in uu la garab galo mas'uuliyadaa wayn ee uu qaaday.
sidaan la soconay somalia waxa soo maray raysal wasaarayaal farabadan oo ay ugu dambeeyeen labadii raysal wasaare
ee labo sano gudahood xilkoodii ku waayay mooshin uga yimiday baarlamaanka federalka somalia iyagoo cuskanaya
xaga madaxwaynaha kuna tilmaamaya raysal wasaare kasta in uu ka horyimiday sharcigii.
aan labo u kala saarno

1) Abdi Farah Shirdon (Saacid)
waxa xilka loo magacaabay 6-oct-2014 isagoo xiligaas loo tirinayay in uu wax wayn ka qaban doono duruufihii markaa jiray
oo ay ugu way
nayd sidii wadanka xasiloonida loogu soo celin lahaa.
Saacid isagoo garwaaqsan in wadanku u baahnayn wasiiro tiro badan oo tayadoodu liidato ayaa waxa uu 4-Nov-2014 ku dhawaaqay
wasiiradii ugu tirada yaraa intii ay jirtay qaranimada Somalia, ku dhawaaqida wasiirada ayaa waxa aad u soo dhaweeyay Somali fara badan
oo aaminsanaa in wadankan dhaqaalaha ugu liita adduunka khalad ayay ku ahayd in tiro ka badan 10 wasiir la magacaabo iyo dad kale oo aaminsanaa
in somalidii tirsanaysay in la duudsiyay ay hada la mid yihiin ummada kale ee somalida ah maadaama la siiyay wasiir.
aan ka soo qaadno sida uu wasiirada u magacaabay waxa uu ku saleeyay hab ay ahayd kan ugu sax san ee wax lagu doori karo maadaama uu meesha ka saaray
wixii la odhan jiray 4.5 kana dhiga 5 min labo wasiir la siiyay.
hadaba wax ay soo socotaba waxa la isla yimiday golihii shacabka halkaas oo si kalsooni leh lagu ansixiyay waxaana cadaatay in ummada soomaaliyeed ay
si wanaagsan ugu qanceen maadaama si is le'eg loo qaybiyay golaha wasiirada.
markii ay ku dhawaad sanad dowladu shaqaysay ee ay si wanaagsan howluhu u marayaan ayaa waxa khilaaf ka soo galay albaabka madaxtooyada iyadoo ay ka fureen
dad aad looga yaqaano madaxtooyada oo ay ugu horeeyaan faarax abdikadir oo markaas ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada kowna ka ahaa khilaafka soo kala dhex galay
madaxda sare ee dalka.
waxa uu khilaafkii sii jiitamaba waxa la gaadhay meeshii lagu kala bixi lahaa oo ahayd meeshii markii horeba soo ansixisay saacid iyo dawladiisa.
sababihii saacid lagu ridayna waxa kow ka ahayd in dawladiisu ay noqotay mid taag daran oo aan waxtar lahayn iyadoo aan cadayn karno inay ahayd
tii ugu waxqabadka badnayd dawladihii soo maray dalka.

2) Abdiweli Sh.Ahmed Mohamed
waxa xilka loo magacaabay 26-Dec-2013 isagoo xilka kala wareegay raysal wasaarihii hore Saacid oo lagu eedeeyay in uu wadanka waxtar muuqda u tarin
dawladiisuna ay noqotay mid fadhiid ah. markii uu madaxwaynuhu magacaabayay Abdiweli waxa uu sheegay in uu yahay R/W kaliya ee ummada somaliyeed ka
saari kara dhibaatada haysta hadii uu qof magacaabayana uu isagu yahay ka kaliya ee uu ku kalsoon yahay..
xil wareejinta ka dib waxa la sugaaba waa golaha uu soo dhisi doono ma noqon doonaan gole ka badan kuwii hore ma soo noqon doonaan wasiirada qaar oo ay
madaxwaynaha isku xulafo yihiin iyo su'aalo kale oo dadka maskaxdooda ka guuxayay.
17-Jan-2014 ayaa waxa uu ku dhawaaqay golihiisa xukuumada oo ka koobnaa wasiiro wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dawlayaal iyagoo noqday tiradii ugu badnayd
ee golo wasiiro ahi ay ka koobnaayeen xoriyadii ka dib.
marka la isku daro wasiiro wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dawlayaal waxa ay tiradoodu gaadhaysay 25 wasiir 25 wasiir ku xigeeno iyo 5 wasiirul dawlayaal taas
noqonaysa mid ku cusub dhagaha shacabka.
iyadoo ay ku jiraan qaar ka mid ah wasiiradii hore hadana waxa laga dha-dhansan karayay in Abdiweli sh. rabay in somali oo dhan iska aragto taasoo sababtay
in deg deg lagu ansixiyo.
khilaaf waa kan jiree hadana waxa is qabtay Abdiweli iyo Hasan sh. iyagoo isku qabtay arimo dastuuri ah fidnaduna markale waxa ay ka bilaabantay
faarax cabdiqaadir oo hada ah wasiirka dastuurka iyo federalka.
mooshin ayaa xilkii lagaga xayuubiyay isagoo lagu eedaynayo in uu dastuurkii ku tuntay halka Saacidna lagu eedeeyay wax ma qabte,?????

hadaba R/W Cumar talow maxaa isna lagu maagi doonaa ma in uu labadaa u dhaxeeyo mise madaxwaynaha ayay tani la tagi waan u joogi doonaa wixii soo kordha ee mooshin ah
hadii Alle Idmo

Abdirashid Abdi Jama (rashka)
Free Journalist
Borama Awdal

No comments:

Post a Comment