Pages

Thursday, July 11, 2013

Ramdaanta Iyo Borama+Sawirro

Waxa Maalintii Shalay Ahayd Adduunka Islaamka Laga Soomay maalintii ugu horaysay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sidaas si la mid ah waxa magaalada borama ee caasimada gobolka Awdal laga soomay maalintii u horaysay ee bisha ramadaan waxaaana laga dareemayay sida muuqata in ay ay dadku si aad ah ugu diyaar garoobeen soonka bisha barakaysan ee ramadaan.
Waxa Dareen dhalinaya qofkii u fiirsadana la yaab ku abuuraya sida ay ahayd magaalada borama ramadaanka ka hor iyo sida ay tahay maalmahan lagu jiro bisha ramadaan.
Waxa guud ahaanba is badalay dhaqdhaqaaii ganacsi ee lagu yaqaanay magaalada borama iyo gawaadhidii badnayd ee socon jirtay magaalada dhexdeeda.
Si la mid ah sidaas waxa y
araaday dhaq dhaqaaqii dadwaynaha xaamiga ku ahaa magaalada dhexdeeda ee marka aad socoto suuqa aad la yaabaysay dadkan meesha ay ka soo tooseen iyo halka ay u socdaan iyadoo la og yahay in dhalinyarta magaaladu ay shaqo la'aan la itaaal daraadeen.
Hadaba warsidaha Araabi.net waxa uu idiin balan qaadayaa in uu idiin soo gudbin doono wararka ramadanta iyo sida ay dadka reer Borama ay u soo dhaweeyeen bisha barakaysan ee ramadan ayna uga faa'idaysan doonaan haddu alle gaadhsiiyo....
Waxa aan hadaba idiin soo gudbinaynaa sawiro aan idiinku tala galnay inaan idiin soo tabino sawiro ku saabsan sida loooga soomay ramadaanta magaalada Borama.
















By: A/rachid Abdi Jama (rachka )
Borama Awdal

No comments:

Post a Comment