Pages

Tuesday, December 30, 2014

Ma U Muuqdaan Reer Awdal Sidan+Qiso Xikmad Leh









QISO XIKMAD LEH
Nin badda quusa iyo nin kale ayaa sheekeystay. Ninkii kale ayaa
oranaya ''Meeyay aabbahaa''? Wuxuu yiri ''Wuu dhintay''. Xagguu ku dhintay?- ayuu weydiiyey. Wuxuu yiri ''Badda''. Ninkii oo yaabban ayaa yiri ''Awoowgaana''? Isaguna wuu dhintay- ayuu ugu jawaabay. Markaasuu ninkii  yiri ''Siduu ku dhintay''? Badda ayuu ku dhintay-

ayuu ugu warceliyey. Intuu ninkii aad u yaabay baa wuxuu yiri ''Oo ma badda ayay aabbahaa iyo awoowgaa ku dhinteen baad quustaa oo aad ka shaqeysaa''? Markaasuu ninkii dhoolacaddeeyey, oo yiri ''Adiga meeyay aabbahaa iyo
awoowgaa''? Way dhinteen ayuu ku jawaabay-. Xaggey ku dhinteen ayuu su'aalay. Firaashkooda ayuu ku warceliyey. Ninkii quusaha ahaa baa inta uu aad u qoslay yiri ''Oo haddaa sideed adiga ugu seexataa furaash, maadaama ay aabbahaa iyo awoowgaa firaash dushiisa ku dhinteen''? Ninkii aad buu uga yaabay xikmadda ninkan, wuuna iska dhaqaaqay.


Hadaba qisadan waxa aan ka faa’idaysanaynaa in dadka ku nool gobolada Awdal iyo Gebilay ay rabaan in ay qaataan waxa ay aabayaashood iyo awoowyaashood qaadan jireen sidaas darteed hadaad qof waydiiso oo aad tidhaahdo maxaa sabab u ah meesha aad taagan tihiin waxa ay kuugu jawaabayaan odayada aan ka dhalanay ayaa la siin jiray waxa hada nala siiyo sidaas darteed waa dhaxal ay nooga tageen ama nooga tagayaan
kuwa hada jooga.


 
Abdirashid Abdi Jama (rashka)
Free Journalist
Borama Awdal

No comments:

Post a Comment