Pages

Tuesday, January 27, 2015

MUHIIMADDA AKHRISKA W/Q: Ahmed Ali Abokor



Waxan marka hore salaam diiran u gudbinayaa dhamaan asxaabta aanu ku bohowney aaladaxidhiidhka bulshada manta waxaan jeclahay inaan idin la wadaago qoraal yar oo kooban oo
ka hadlaya akhriska waan dareemi karaa marka horeba inaad is weydiin doontid akhris noocee ah baa laga hadlayaa ma waxa laga hadlayaa akhriska quraanka, mayee ma kan axaadiista mise dhamaan diinta sidii loo akhriyi laha mise kan maadiga amba akhriska buugta novelka loo yaqaan intaasoo su’aalood waa kuwo ay macquul tahay inay ka soo maaxdaan maankaaga cajiibka ah, waana muhiim inaad is weydiiso ,balse sidaan hore idiin soo


sheegayba waxad intaas jawaabtooda ka dheehan doontaan hadal ka. Sidaynu wada ogsoonahayba akhrisku waa shay aad ugu muhiim ah meertada nolosha bini’aadamka meelkasta oo uu qofku taagan yahay ama heerkasta waxana taas qiraysa muhimad uu alle siiyay ,oo ah hadalkii rabaaniga ahaa ee ugu horeeyey ee nebigeene caleyhi salaatu wasalaam lagu soo dejiyey laga bilaabay akhriska ama suuradii ugu horeysy ee lagu soo dejiyey ay ahayd (iqra)oo macneheedu yahy akhri malaku jibriila uu ku celceliyey taasi
waxay muuqaal dhab ah kaa siinaysaa in akhrisku uu yahy bud-dhiga ama aasaaska noosha &diintaba ,ee aadamaha. akhrisku waan saaxiib dhow oo aan lahayn inuu cid kugu diro kula
xanto waxana marag ma doonto u tahay in qofka akhristaha ahi yahay qof aan beerdarayn waqtigiisa. {Waqtiguna waa seef hadii aan laga faaiidayn ku jaraysa sida aynoo sheegtay diinteena suuban nebiguna uu inoo sheegay in waqtigu uu yahay shay aad u qaali ayna ka mid ahaayeen xadiiskii uu uu yidhi shan ka faaiidayso shan hortood};:-------
1. Fursadaada (waqtigaa) intaanad mashquulin ka hor oo aanad ku mashquulin tabaalaha aduunka
2Caafimaadkaaga hortii intaadan bukoon.
3. Dhalinyarnimadaada ka hor intaadan gaboobin.
4. Hodontinimadaada intaanu ku haleelin faqriga iyo baahida aduunka.
5.Noloshaada intaadan dhiman ka hor.
Meesha aynu uga soconaa waa inaad waqtigaaga uga faaiidaysaa waxa barwaaqo iyo sareedo aad ka helayso if iyo aakhiroba waxa waqtiyadan danbe soo badanaya dhalinta akhrida
qisooyinka gaalada amba buugta ay ku jirto ee xambaarsan afkaarta aan ku haboonayn dhaqankeena iyo diiinteenteenaba sidaa awgeed aad arkaysaa qof si fudud ku qaatay afkaartaas . Waxana la sheegaa qofka aad wax u akhriyaa inuu dadka kale ka da’a weyn yahay maxaa yeelay wuxuu ka dhigan yahy qof saddex qarni noolaa waxa uu ku noqday . 1. Waxa uu khriyayaa taariikhdii dadkii hore wuxuuna u dhuun daloolaa dadkii hore noloshoodii aqoontoodii hilinkoodii toolmoonaa iyo halkii ay ku bariiqdeenba. 2. Sidoo kale waxa uu ogyahy dadka manta nool waxa ay galaan iyo waxay gudaan iyo u taaba gelida halka ay ka horumareen iyo halka ayka dib dheceen 3. Waxa uu odorosi karaa jiilka soo socda hadii aan wax laga qaban sida ay u noolaan karaan iyadoo aanuu wax yaabaha qaybiga ah faragelinayn tusaale ahaan waxbarashada manta hadii aan la horumarin jiilka danbena wax ku qaadanaysaa waqti inay kusoo dhisaan sidaa ayuu ifafaale uga bixin karaa.
MAXAY TAHAY FAA’IIDADA KU DUUGAN AKHRISKA    1. horumarka nafta iyo qofka oo humaag dhab ah ka qaata nolosha qaybeheeda kala duwan. 

2. koboca fikirka qofka . 
3. korodh ku yimaada ku yimaada khibrada qofka 
4. waxay sare u qaadaa mansabka qofku bulshada ka taaganyahay. 5. Waxay qofka ka caawisaa xalinta mushkiladaha iyo masiibooyinka soo waajaha. 
6. Waxa bata kalsoonida qofkuu uu ka haysto naftiisa. 
7. Qofka waxay u saamaxdaa fursad uu kaga fekero qorshihiisa hiigsiga himiladiisa fog iyo taabo gelinteeda.
MAXAA AKHRISKA KAA HORTAAGAN Waxa inoo soo socdey dhambaalkii aynu kaga faalooneyney muhiimada akhriska qaybtiisii danbe Waxa jira sababo fara badan oo qofka ka hor istaaga caadada wanaagsan ee akhriska taasi oo loo iineeyo waxyaalaha soo socda si aad uga dheregto dhuux oo ugu fiirso si mug leh

1. Nuqsaan qofka kaga timaada dhinaca himiga iyo hiigsiga nolol badhaadho leh iyo go’aan ka gaadhida maaraynta waqtiga. 
2. Aqoon yari qofka ka haysa hanaanka akhriska. 
3. Iyadoo aanay jirin wax yaalo qofka ku dhiiri geliya akhriska. 
4. Saamaynta dhinaca asxaabta iyo deegaanku ku yeeshaan qofka. 5. Caajis ragaadiya shaqsiga iyo himiga oo hoos u dhaca. 
6. Duruufo dhaqaale oo qofka u diida inuu iibsado agabka sahla sida buugta. 
7. Qofka oo aan lahayn cid uu ku daydo ama ku dayasho wanaagsan tusaale ahaan waxa jiri jirtey waqtiyadii hore in la arji jirey culimadii islaamka inay akhriyi jireen kutub kor u dhaafaysa kun sida sheekhii la odhan jirey ibnu-xajar inuu laba bilood ilaa saddex bilood wax ku dhow mudo gaadhaysa uu akhriyey kutub intaa le’eg waana mid tusaale iyo ku tilmaan saxa iyo dayasho ugu filan jiilalka manta iyo beriba halka dhalinteena manta ay camal iyo ciyaarba ka dhigteen inay daawadaan waxaan faaiido ugu jirin sida daawashada aflaamta musalsalada iyagoo ay taasoo dhaxal siisay shakhsi kasta oo tubtaa raacay inuu mooganaado marinkii saxa ahaa ayna ka diimoon tahay taariikhdii dadkii wanaaga ku suntanaa iyo dhacdooyinkii lama ilaawaanka ah marka aan leeyahay dhacdo waxa ay noqon kartaa mid dhib qofka soo martay oo uu wax ku qaato xusuusisana waqti tegey iyo waayihii iyo taa kazoo horjeedkeed oo noqonkarta maalmo ugu noloshiisa bashbash iyo barwaaqo raadna ku yeesha lasoco qaybaha danbe.
 

W/Q:Ahmed Ali Abokor

No comments:

Post a Comment