Pages

Monday, November 8, 2021

Xisbiga WADDANI iyo xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka (USA).

 


Tani iyo intii ay socdeen tartanka doorasho ee u dhaxeeyay Joe Biden iyo Donald J. Trump waxa aad u muuqatay in xisbiga Dimuqraadiga ee uu gadh wadeenka ka yahay Joe Biden kaga cadcadaa trump hanashada quluubta shacabka, ku guuleysiga kuraasta hoose dhan haday tahay congress iyo haday tahay dhinac kaleba iyo ugu danbayntii oo uu la wareegay tallada dalka.
Xisbiga waddani oo uu Gudoomiye ka yahay mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Waa rajada shacabka Somaliland. Xisbigu wuxu mar walba xooga saaraa hanashada quluubta shacabka reer Somaliland waxa barnaamijka xisbiga ugu muhiimsan u adeegida shacabka waana ta uu maanta ku kasbaday inuu isagoo mucaarada ku guuleysto kuraas aqlabiyadda golayaasha baarlamanka iyo deegaanka jamhuuriyada somaliland.
Xisbiga WADDANI guulo taariikhiya ayuu ka soo hooyay dhamaanba gobolada dalka taasi oo fududeyn doonta inuu la wareego tallada dalka marka la galo doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.
Waxa iyadna muhiima oo taariikhda galaysa isbaahaysiga siyaasadeed ee dhexmaray xisbiyada mucaaradka (WADDANI iyo UCID) ee dalkeena jamhuuriyada somaliland. Waa tallaabo Dimuqraadi ah qurxinaysana hanaanka siyaasadeed ee dalkeena dhanka kale waa horumar diplomacy ah marka aan eegno mandaqadan uu dalkeenu ku yaallo iyo waxyaabaha ka dhaca dalalka jaarkeena ah. Waa tallaabo lagaga dayan karo Somaliland.
Ugu danbayntii waxa aan hambalyeeynayaa dhamaan xildhibaanada xisbiga labbada gole u soo baxay iyo shacab waynaha reer somaliland ee doortay safafka dheerna u istaagay iyadoo cadceed iyo siigo jirto.

Abdirashid Abdi Jama
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer qaran Xisbiga WADDANI

No comments:

Post a Comment