Had
iyo jeer qosolku waxa uu ka mid yahay, xaaladaha lagu garto ama lagu
cabiro farxada qofka, waana mid dunida oo dhami ka siman tahay inuu
yahay wax dareen ahaan la jeclaysto, hasa yeeshee, sida loo qoslo iyo
haddii arrimo kale ama dareen kale kugu jiray waxa uu noqonayaa mid kugu
abuuri kara cadho gaadhsiisan in aad ka ashkatooto qof qoslayay, sidii
Somaliduba hore u tidhi qosol qoonsimaad dhal.
Haddaba
waxa dalka Maraykanka Maxkamad ku taala ay xukun xadhig iyo ganaax
isugu jira ku riday nin qoslay oo qof kale ka soo askatooday qosolkiisa,
sida ay warbaahinta u cadeeyeen, Garyaqaanada
difaacayay
eedaysane la sheegay in maxkamadu u jartay, sodon cisho oo xabsiga ah
iyo ganaax lacageed oo dhan, shan kun oo dollarka Maraykanka ah, kaas oo
lagu eedeeyay in jaarkiisu ka soo dacwooday qosolkiisa oo aad u dheer.
Garyaqaankan
ayaa warbaahinta u sheegay in ninka uu wakiilka u ahaa ee u difaacayay,
Robert Chiefley oo (41-jir), ah ay boolisku dhawaan u geeyeen, saman
lagaga codsanayay inuu maxkamada ku hor yimaado, ka dibna lagu furay
dacwad la xidhiidha qosolkiisa.
Qareenka difaacayay ninkan ayaa
sheegay in lagu soo eedeeyay in subaxnimadii bishii February 13-ka ahayd
uu daaqada gurigiisa oo ku yaala, degmada Rockville Centre, ee
jasiirada Long Island, oo ka tirsan New Yorkm uu soo istaagay isaga oo
si qod dheer ah ugu qoslaya jaarkiisa.
Qofka jaarkiisa ah ee ka
soo ashkatooday ninkan ayaa sida la sheegay ahaa, qof curyaan ah oo
naafo ah, kaas oo isagu sida uu ku doodayo uu door biday inuu ka
farxiyo, balse uu si kale u qaatay oo cuyub ay arrintii ku noqotay sida
uu ku doodayo eedaysanaha xukunku ku dhacay.
Qareenka difaacayay
ninkaas oo lagu magacaabo, Andrew ayaa sheegay in ninka uu wakiilka ka
yahay, uu leeyahay hag hago, ama gaangi laakiin aanay jirin wax ujeedo
ah oo uu ka lahaa ninkaas, laakiin ay mararka qaarkooda cod ama dhawaaq
kaga dhegto sida uu ku dooday.
Ninkan xukunka lagu riday ayaa
sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhaxaysay qofkaa ay jaarka
yihiin ee eedeeyay, isla markaana uu aad uga xun yahay in uu khalad
fahmo, waxaanu sida uu sheegay iska bixin doonaa ganaaxa la saaray isaga
oo bisha xadhiga ahna dhamaysan doona ama iibsan doona sida uu
warbaahinta u sheegay.
Garyaqaanada difaacayay ninkan ayaa
sheegay in garsoorihii qaadayay kiiskaasi uu ka diiday in dacwadan uu
xukunkeeda fududeeyo, isla markaana go?aan ku qaatay inuu xukunkaas
qalafsan ku rido wakiilkooda sidaana ay dacwadaas xukunkeedu ku dhacay 08-March 2013-ka.
By: Abdi Rachid Abdi Jama (rashka)
rashka282@gmail.com
Borama Awdal Somalia
No comments:
Post a Comment