Samee wax waliba oo aad ku
Ka Taqalus Hadiyadihiisa: Waxaa iska dabiici ah in haweeneyda ay ku adkaato in ay iloowdo qaaligeedii hore haddii hadiyado uu u keenay ay weli haysato , mar waliba oo ay furto boorsada xasuustiisa ayaa ku soo dhaceysa , waxa hadaba kula gudboon in aad ka taqalusto hadiyadiisa iyo wax waliba oo xasuustiisa kugu soo ridi kara.
Badal Lambarkaada: Haddii aad jeceshahay in aad iloowdo saaxibkaadii hore oo aad dooneyso in aad horay usii talaabsato oo aad nolol cusub sameeyso waxa kuula gudboon in aad badasho lamabrka telkaada ha ahaado midka gacanta ama kan dhulka, si uusan kuula soo xariirin mar kale oo uusan xasuus kuu gilin.
Ha U Ogalaan In Uu Ogaado Waxa Kuugu Cusub: Si aad u awoodo in aad iloowdo , isku day in aadan u ogalaan in uu ogaado waxa kuugu cusub ee kuugu soo kordhay .
Sidoo kale ha galin bogiisa gaarka ah ee goobaha la isugu yimaado ee lagu sheegeysto sida facebook-ga.
Hala Xariirin Saaxibadiisa: hadii aad jecashahay in aad iloowdo , waxaa kuula gudboon in aad jarto xariirkii kaala dhaxeeyay saaxabadiisa , maxaa yeelay bilaa shucuur ayaa tahay markaas ayaad ka codsaneysaa in ay kaaga waramaan xaaladihiisa markaas ayaad galeysaa xasuus hore .
Haye gabaryaheey sidee kuula muuqataa arinkaan , waa inoo muhiim fikiraada ku aadan qodobadaan aan soo sheegnay
By:Abdi Rachid Abdi Jama
rashka282@gmail.com
Borama Awdal
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete