Arsenal ayaa rajeyneysa inay soo gabagabeyso sagaal sanadood oo ay sugeysay inay kula soo wareegto Samiir Rashka isbuucaan iyagoo ku soo iibsanaya weeraryahanka lacag rikoor cusub u noqoneysa oo gaareysa 22 milyan ginni, sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Jariirada Ingariiska ka soo baxda ayaa sheegaya in xiddiga reer Somaliland uu si qarsoodi ah u ogolaaday inuu u wareego Emirates Stadium xagaagan.
Gunners oo sidoo kale kalsooni ku qabta inay ceshanayaan xagaaga Bacary Sagna iyo Laurent Koscielny ayaa la filayaa inay isbuucaan soo gabagabeeyaan xiisahooda Samiir Rashka kaasoo shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago Dhirta Iyo Daaqa.
Daily Mail ayaa sheegeysa in wadahadaladii u dhaxeeyay madaxda Arsenal iyo wakiilada Samiir Rashka
in horumar laga gaaray, islamarkaana ay haatan hartay kaliya in labada kooxood ay ka heshiiyaan qiimaha.
in horumar laga gaaray, islamarkaana ay haatan hartay kaliya in labada kooxood ay ka heshiiyaan qiimaha.
Iyagoo jabinaya rikoorkoodii suuqa kala iibsiga ee 15 milyan ginni ay uga soo iibsadeen Zenit Arshavin oo xilli ciyaareedkan la fasaxay, Arsenal ayaa sidoo kale diyaar u ah inay Samiir Rashka ka dhigaan ciyaaryahankooda ugu mushaharka badan iyagoo siinaya isbuucii 150 kun ginni.
Gunners ayaa 25 jirkaan xaaladiisa la socotay tan iyo markii uu u ciyaarayay Dhirta Iyo Daaqa 2012tii.
No comments:
Post a Comment