Pages

Thursday, June 27, 2013

Xaflad Lagu Xusayay Sanad Guurada 36aad Ee Xornimada Jamhuuriyada Jabuuti Oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Borama+Sawiro

Waxay habeenkiii xalay ahaa ka dhacday magaalada Borama xaflad lagu xusayay sanadguurada 36aad ee xornimada jabuuti.
waxa xaflada ka soo qayb galay odayaal salaadiin iyo wax garad ka tirsan jaaliyada jabuuti ee degan magaalada Borama.
Waxa kaloo xaflada goobjoog ka ahaa dadwayne aad u fara badan oo ka soo xagaa baxay caasimada jabuuti ee magaalada Jabuuti.
Waxa xaflada soo qaban qaaabiyay Dhalinyaro reer Borama ah oo uu ugu horeeyo gudooomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadani C/kariim Maal.
waxa ugu horayn halkaas ka hadlay c/kariim maal oo ugu hambalyeeyay shacabka reer jabuuti ee caawa ay tahay maalintii ay ka xoroobeen gumaysigii faransiiska.
Waxa iskana halkaas ka hadlay suldaan
Yuusuf oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay habeenkan oo kale isagoo tilmaamay in uu joogay habeenkan habeenkiisii 36aad ee ay xoroobeen reer jabuuti isagoo sheegay in uu ka dabaal dagayay magaalada Borama.
waxa kaloo halkaa ka hadlay maayirkii hore ee magaalada Jabuuti Daahir Ismail Shide isagooo wax ka taabtay in ay habeenkan u tahay habeen aan la iloobi karin isagoo hadalka sii raaciyay in ay hambalyo walaaltinimo ah ay u soo jeedinayaan dhamaan reer Borame iyo cidii ka qayb qaadatay in ay xafladani suuro gasho.
waxa kaloo halkaa ka hadlay Osman Said Qalinle Mako iyo fadxiya Muuse oo dhamaan mahad balaadhan u celiyay reer Borame.
waxa ugu dambayn xaflada soo xidhay gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Borame Maxamed Muxumed (Dheerayste) isagoo hambalyo u diray Madaxwaynaha iyo shacabka reer jabuuti waxa kaluu hambalyo u diray 26 june oo ahayd markii goboladii waqooyi ay xornimada ka qaateen gumaysigii ingiriiska.

ugu dambayn waxa halkaa laga soo jeediyay hadalo guubaabo ah iyo hambalyo la isku dirayay.

Jawiga xaflada ayaa waxa uu ku soo gaba gabooday jawi ka duwan habeenada kale.





























































By:A.rachid Abdi Jama (rashka)
Borama Awdal
rashka282@gmail.com

No comments:

Post a Comment