Pages

Monday, June 2, 2014

Maxaad Ka Taqaanaa Shantii Dambiile ee Adduunka ugu Khatarsanaa, Uguna Raadinta Badnaa iyo Dambiyaday Galeen


1.      Meyer Lansky:


Lansky wuxuu ku dhashay degaanka isaga loogu magac darray ee Meyer Suchwljansky oo ku yaala magaalada Grodno ee dalka Ruushka ka tirsanaan jirtay oo hadda la yidhaa Belarus, waxaannu asal ahaan ka soo jeeda qoys Yuhuud ah.
Sannadkii 1911 ayuu u haajiray dalka Maraykanka, isagoo ka galay dekeda la yidhaa Odessa, isagoo la socda hooyadii iyo walaalkii, halkaasna waxa ku qaabilay aabbihii oo isagu hore 1909 dalka Maraykanka u tahriibay, waxaanay degeen dhinaca bari ee magaalada Mo
nhattan oo ka tirsan New York.

Lansky wuxuu halkaas dhallinyaranimadiisii kula kulmay Bugsy Siegel iyo Lucky Luciano, kuwaasoo 1931 samaysay koox mafiyo ah oo la odhan jiray Salvatore Maranzano, marar badan oo khatar noloshiisu gadhay Kansky waxa badbaadiyey  Siegel, waxaanay halkaas ka noqdeen mafiyada ugu rabshada badan dalka Maraykanka.
Ninkan maafiyadiisu waxay dagaalkii 1aad ee adduunka ku fiday dalka Jarmalka iyo dalal badan oo Yurub ah, halka dagaalkii labaadna uu ka mid noqday dadka sirdoonka u ah ciidammada badda Maraykanka, taasoo loo isticmaalay isagoo dambiyadiisu u kaydsan yihiin in uu dusha ka ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada Jarmalka.
Waqtigii noloshiisa ugu dambaysay waxa uu ku noolaa xeebta Miami Beach, halkaas oo ay ku soo martay nolol silic badan
1970 Lansky wuxuu u qaxay degaanka Hersliya Pituah oo dalka Israel ah, isagoo ka baxsaday cashuuro badan oo lagu yeeshay, inkastoo markii dambe dalka Israel laba sanno dib ugu soo celiyey dalka Maraykaka.
Lansky sannadii u dambeeyey waxa uu ku qaatay guri uu ku lahaa xeebta Miami Beach, waxaannu aakhirkii January 15, 1983 isagoo 80 jir ah u geeriyooday kansar lugta kaga dhacay

2. Lucky Luciano

Mr. Charles Kuckyu Luciano waxa uu magaalada Salvatore Lucania ku dhashay November 24, 1897, asal ahaanna wuxuu ka soo jeedaa Talyaani, balse dhalasho Maraykan ah ayuu qaatay, waxa loo aqoonsan yahay ninka ay ku arooraan dembiyada ugu waaweyn ee waqtigan ka dhaca dalka Maraykanka.

Waxa uu masuul ka ahaa shan maafiyo oo kala duwan, waxaannu saaxiib dhow la ahaa Meyer Lansky oo isugana si gaar ah ugu xusan damiyo halis ah oo Maraykanka ilaa hadda ka jira.

Mr. Lucky Luciano wuxuu ahaa nin ka ganacsada darooga, gaar ahaan nooca loo yaqaan Heroin, waana ninkii ka masuulka ahaa in daroogadaas uu Maraykanka ka qaado, kadibna adduunka lagu faafiyo, gaar ahaan qaaradaha Yurub iyo Eeshiya.

Waxa kaloo uu aasaasay koos maafiyo isaga daacad u ah oo la odhan jiray Luciano Family, aakhirkiina wuxuu samaystay xarumo khammaarka lagu ciyaaro, sidoo kalena waxa uu abuuray koox shiishyahanno ah oo lacag badan ku qaata toogashada dadka danihiisa ka horyimaad

3.      Joaquin Guzman :

Mr. Joaquin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Mexico, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka ugu awoodda badan kooxa daroogooyinka dunida ku faafiya, waxaannu dhidibada u taagay maafiyo la yidhaa Sinaloa Cartel.

Waa ninka keligii masuulka ka ahaa in daroogada Cocaine lagu faafiyo, loona iibgeeyo dalka Maraykanka sannadkii 1993-kii, arrintaasna wuxuu kula baxay naanaysta ?Crystal King.
Waxa marar badan la qabtay ninkan oo dambiyo badan gacanta kula jira oo xabsiga la dhigay, balse wuu ka baxsaday jeelka, kadib markii uu laaluushay dhammaan saraakiishii hawshiisa ku lugta lahayn, dabeedna wuxuu ka baxay xuduudda Maraykanka, walina wuu nool yahay.

4.      Dawood Ibrahim:

Waa nin ka masuul ah maafiyo reer Hindiya ah oo loo yaqaan D-Company, waana shaqsi laga metelo badanaa aflaamta shirkadda Hollywood soo saarto, waxaannu caan ku yahay hawlgalkii 1993kii lagu qarxiyey magaalada Mumbia iyo sidoo kale mudaharaadyo dalka Hindiya gilglay, kadibna wuxuu ka mid noqday ragga adduunka loogu daydayga badan yahay, ilaa intii uu noolaana wuxuu ku jiray orad iyo dhuumasho.
Waqtigan wuxuu ku jiraa xabsi ku yaal dalka Pakistan sida warar xogogaal ah u sheegeen sirdoonka Hindiya, nasiib-darrana wuxuu la baxsaday dhammaan lacagtii iyo hantidii uu sida sharci-darrada ah ku helay.

5. Osama Bin Laden:

Sida dadku wada yaqaan waa aasaasihii shabakadda Al-qaacida, waxaannu ka mid ahaa ragga adduunka loogu raadinta badnaa waxaana madaxdiisa dul yaallay lacag dhan $25 milyan oo doollarka Maraykanka ah, maadaama lagu xidhiidhinayey falal argagixiso iyo qaraxyo badan oo uu maskaxdooda lahaa, dilal qorshaysan iyo dambiyo tiro badan, balse waxa ciidammo si gaar ah u tababaray ay hawlgal si heer sare ah ugu khaarajiyeen isagoo dalka Pakistan ku sugan bishii May 2, 2011-kii..

By:Abdi Rachid Abdi Jama(Rashka)

Borama Awdal.

No comments:

Post a Comment