Ka dib markii 27-february-2015 uu madaxwayne siilaanyo soo
saaray warsaxaafadeed uu iskugu shaandhaynayo wasiirada qaar halka uu qaar
kalena kaga qaadayay xilka ay hayeen ayaa waxa soo baxay in qaar wasiirada la
badalay ay ka biyo diideen isku dhaandhaynta lagu sameeyay, iyagoo cuskanaya
kuna doodaya madaxwaynuhu nalama tashan, si ay iyaggu go’aanka badalkooda iyo
eryidooda lagala tashanayo.
Hadaba 28-february-2015 maalin ka dib isku shaandhayntii
ayaa waxa soo baxay in wasiirkii hore ee maaliyada Abdicasiis Samaale uu iska
casilay xilkii loo magacaabay ee ahaa wasaarada waxbarashada, Isagoo ku doodaya in aan lagala
tashan in laga dhigo wasiirka waxbarashada.
Hadaba maanta oo ay bishu tahay 15-march-2015 ayaa waxa uu
madaxwayne siilaanyo u magaacabay wasiirka waxbarashada Prof Faarax Cilmi
Geedoole oo hore u ahaa wasiirka wasaarada beeraha, taa soo noqonaysa in markii
u horaysay qof ka soo jeeda gobolka Awdal loo magacaabo wasaarada kharashka
badan ku baxo ee waxbarashada.
Hadaba maxay uga dhigan tahay wasaaradan loo magacaabay
shakhsi ka soo jeeda gobolka Awdal cabashadii ay sanadkii hore salaadiinta
galbeedku hor dhigeen madaxwayne siilaanyo mise ku qanci doonaan wasaarada oo
lagu tiriyo In ay tahay wasaaradaha Bda ah.
Ugu dambayntii prof Geedoole isma muxuu ka yeeli doonaa
xafiiskan hambada ah ee loo magacaabay oo uu hore iskaga diiday ninka hanka wayn
ee meesha sare isla taagan Samaale.
Abdirashid Abdi Jama
Junior Economy and Political Science Student at Amoud
University
No comments:
Post a Comment