Bismillaaahi Raxmaanii Raxiim, marka koowaad wax aan
u mahad celinayaa Allaha subxaanahuu watacaalaa ,suurto galiyay in uu
qoraalkani qormo iyo in aad akhrisato akhriste.
Mahad Alle kadib sida aynu ka wada warqabno
wakhtigan hadda la joogo dhammaan wax aynu nahay inta badan kuwo wakhtigooda
iyo fursadahooda/firaaqadooda galiya ama ku lumiya baraha bulshadu ku wada
xidhiidho noocyadiisa kala duwan sida;Ffacebook-ga oo noqday meel dadyawga
dunidu wakhtigan ay isticmaalaan
boqolkiiba shan iyo toddobaatan (75%)
halka inaguna ( Soomaali) aynu boqolkiiba shan iyo sagaashan ku mashquulsannahay isticmaalka Facebook-ga.
HADDABA ISTICMAALKA FACEBOOK-
GA WAX FAA’IIDO AH MA KA SOO NOQDAA ILAYN WAXA AAD GELISAY WAKHTI, WAXA AAD KU
LUMISAY FURSADO/JAANISYO AAD KU CIBAADAYSAN LAHAYD,AAD WAX KU AKHRIYI LAHAYD
AMA AAD KU NASAN LAHAYD .
Barta ay bulshadu ku wada xidhiidho wakhtigan ee Facebook
waxa weeye meel dadku ku wada sheekaystaan, sidoo kalena ku cabbiraan dareenkooda
isla markaana ay ku soo bandhigaan arrimo khuseeya bulshada ,sida in aad ka
ogaan karto geeri ku dhacday qof aad garanaysay oo ay adkayd in aad maqasho ,sidoo
kale aroos qof aad garanayso oo aanad awood u lehayn in aad ka qayb gasho oo
aad halkaas ka gala qayb qaadan karto farxadda
.
.
Intaas oo kaliya maaha haddana waa meel
xumaanteeda leh, iyadoo la iskaga gudbiyo fariimo cay ah fariimo xumaan ah,
sidoo kale muuqaallo xumaan ah xagga wada hadalkana hadalo macno badan aan samaynayn
isla markaana hadaladaas waxa kamid ah ; (
iska warran , maansha Allaah , nice pic, alx ) .
Isticmaalka aaladdan Facebook- gu waxay ka qayb
qaadatay burburinta iyo sidoo kale baabi’intii naxwihii Af-Soomaaliga .
Haddaba
si aanu uga hortagno wax aanu samaynay barnaamijyo dadyawga wakhtigoodii ku
luminaaya isticmaalka aaladda Facebook -ga iyag oon ka helayn wax faa’iido ah
in aanu ku dhex qabanno doodo ku saabsan dhallinyarada iyo sidii loo horumarin
lahaa maadaama oo ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee wakhtigooda galiya isticmaalka
aaladda Facebook- ga .
Waxay ahayd wajigii koowaad ee barnaamijkan Alle
mahadi haka gaadhee waxa hirgalka barnaamijkan lahaa qofkasta oo ka qayb qaatay
dooddan.
Waxay ahayd 11/06/2015, haben khamiis ah waxa ka
dhacday dood aad u ballaadhan barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook- ga
dooddaas oo daarnayd arrimo dhawr ah kuwaas oo hoos ku xusan:
1. DHAlLINYARADU DOOR INTEE LE’EG
AYAY KA CIYAARAAN HORUMARKA BULSHADA WADDANKA?
2. WAA MAXAY CAQABADAHA HOR TAAGAN EE U DIIDAAYA DHALLINYARADU
INAY KA QAYB QAATAAN HORUMARKA BULSHADA WADDANKA?
3. DHALLINTU HORUMAR MA SAMAYN
KARAAN IYAGOON WAX TAAGEERO AH KA HELIN QAYBAHA BULSHADA SIDA DAWLADDA IYO
WIXII LA HAL MAALA?
4. MA LA IS ODHAN KARAA FARQI WAYN
AYAA U DHAXEEYA DHALLINYARADA WAKHTIGAN IYO DHALINTII HORE?
Kadib doodii way bilaabmatay wakhtigii la
shaaciyay oo ku beegnayd abbaaro 8:00 habeenimo taariikhda kor ku xusan .
Dooddan oo ay ka qayb galeen aqoon yahaniin kala
duwan, haldoorka bulshada, ardayda jaamacadaha, macallimiin, ardayda dugsiyada
sare, bahda qalinleyda, bahda abwaanada iyo dhammaan qaybaha bulshada .
Dooddan waxa la socday oo halkii ay wax kale oo
aan faa’iido lahayn ku lumin lahaayeen wakhtigooda galiyay dooddan (viewers)
547 qof halka ay sidoo kale lagaga qayb qaatay doodan 59 ra’yi.
Waxa aynu u kala saari doonnaa dooddan dhawr
qaybood;
QAYBTA KOOWAAD DOORKA DHALLINYARADA
‘’Dhallinyaradu waa udub dhexadka, adhaxda, laf dhabarta,
xoogga iyo cudduda maanta ummaduhu ku faanaan.
Da’yartu waxay bulshada dalkeeda ka ciyaari kartaa kaalin
waxtar leh, taabo -gal noqon karta, dhallinyaradu waxay beddeli karaan hab
nololeedka bulshada, hab fikirka ummadda, wada shaqaynta, wada noolanshaha
shacbiga dal, dad iyo diin intaba wadaaga.
Dhallinyarada waxa ku jira aqoon yahanno sida dhaqaale yahanno,
sharci yaqaanno, injineero, dhakhaatiir, kas -maallo, muruq -maallo, xog -maallo,
karti -maallo, indheer garad, hiigsi abuure, hammi yagleele iyo umadda u
hiilshe.
Dhallinyaradu waa khayraad dihin, qoofalan, dhaqaajin iyo
ka shaqaysiin u baahan. Reer galbeedku waxay ku sheegan dhalinyarada odhaahdan
"raw material". ‘’
‘’ Abdirahman Mohamed
adam’’
‘’Dhallinyaradu doorwayn ayey ka ciyaari karaan horumarka
bulshada.
Waxa ay samaysan karaan ururo ama kooxo ka shaqeeya
arrimaha bulshada sida ,ururada aan dowliga ahayn iyagoo wax ka qabanaya
baylahda iyo baahida bulshadu ay ku dhex
nool yihiin. ‘’ Ahmed Abokor Maxamed’’
‘’doorka dhallinyarada ee bulshada anoo ka duulaya dhuuxa
iyo dhitada lagu tilmaamo dhallinyarada waxaan leeyahay dhallinyaradu waxay ka
ciyaari karaan door aad u muhiima taana waxaan ka dheehanaynaa labada erey ee
ah dhuux iyo dhito.
DHUUX
Laftu haddaysan dhuux lahayn waan
dareemi karnaa say noqonayso, hilibka
haddii dhuux laga waayona kaba daran. Dhuuxa dal ama bulsho ku dhaqdhaqaaqdo waa
dhallinyaro .
DHITO
Caanaha marka loogu talagalo in la lulo waa in habeenkii
ama maalintii caano loo dhiteeyaa (dhigaal)
si ay hadhow burcad dhal u noqdaan haddii aan taa la samayna way
adkaanaysaa in la lulo .Haddaba dhallintuna waxay ka dhigantahay saas oo kale
oo haddaaan
la dhigan, la dhiqin ama la dhowran way adkaanaysaa in la intifaacsado iskaba
daa inay dad hor-mariyaane.
Haddaba dhallinyaradu waxay ka ciyaartaa horumarka bulshada
si taban oo muhiim ah waxaana tusaale u ah saxaabigii jaliilka ahaa Muscab binu
Cumayr ee isagoo yar Nebigu NNKH u diray
Madiina halkaas oo labadii qabiil ee Aws iyo Khasraj ay raacen diinta Islaamka
iyo sidoo kale Malaala Yuusuf oo u
dhalatay Pakistan oo ah qofka ugu yar ee
ku guulaystay biladda Nobelka . ‘’
‘’ Maxamed Cabdi
Ciise’’
‘’Dhallinyaradu Waa awood dihin oo curdin ah ,waa maskax
furan,quluub ka madhan aafooyin dad badani la daalaa dhacayaan ,lana il daran
yihiin,sida qabyaalada iyo qudhumadda la hal maala.
Dawladaha tisqaaday dhallintooda waxa ay ku ababiyaan
horumarka iyo hindisidda aragtiyo togan.
Doorka ay ka ciyaari karaan waa kaas mana jiri karo qaran
hana-qaada ilaa la helo dhallin u heellan horumarka dadkooda iyo dalkooda. ‘’ Axmed Cali Abokor
‘’.
‘’Doorka ay dhallinyaradu ka ciyaari karaan waa in ay isku xidhaan dadka iyaga ka waawayn
iyo dadka dhallinyarada ka yar yar, qabtana wixii ka baaqday dadka
waawayn, tusaaleeyana dadka yar yar. ‘’ Qoraa Axmed Sky’’
‘’Dhallinyaradu waxay ka cayaari karaan door Muhiim ah
horumarinta bulshada sababto ah waxay hayaan afar shay oo ay aanay haysan qaybaha kale ee bulshadu sida, xoogga, waqtiga,
aqoon iyo maskax curdin ah.’’
‘’ Jimcale A/lahi Jama (Cawke)’’
‘’Dhallinyaradu waa rajada mustaqbal ee laga saadaalin karo
sida uu noqon doono mustaqbalka wadanku. ‘’ ‘
Abdirahmaan Ali
Mohamed’’
‘’Dhallinyaradu
waxay ka ciyaari karaan dawr aad u wayn horumarka bulshada.Dhallinyaradu waa
mastuqbalka markasta ay eeganayso bulshadu ama gabbaadkii ka celin lahaa
bulshada caqabadaha hortaagan sida: horumar la'aanta ama aqoon darrida waddanka
daashatay iwm. ‘’
‘’ Abdulaahi
Abdurazak Ali ‘’
‘’Dhallinyaradu waa laf dhabarta bulshada sidoo kale waa
rajada barrito, waxay ka qaatan doorka ugu muhiimsan bulshada dhexdeeda sido
kale dhallintu waa page cad waxa kaliyay u baahan yihiin in loo qabtaa waa in
ay helaan qalin qoraal fiican si ay wax fiican u qoraan oa ay u qabtaan. ‘’ Mariem Mohamed Sh Abdulahi’’
Waa xoogga iyo fikirka wax beddela, Waana kuwa hor moodka
ka ah horumar kasta oo uu waddan ama bulsho gaadho.’’
‘’ Abdirahman Mohamed Warmooge’’
‘’Dhallinyaradu waa dhuuxa ay ummadi ku faanto ummad
walbana waxa wax ka beddela horumar na u horseedi kara waa dhalin yaro..
Markaa waxaan qabaa haddii dhallinyaro isku tashato
dhexdana u xidhato inay horumar gaadhan waxay baddali karaan aduunkoo dhan
maanta dunidan casriga ah waxa horumarka iyo badhaadhaha gaadhsiiyey waa
dhalinyaro.’’
‘’Ahmed siciid( Sabriye)’’
La soco qaybta labaad iyo kulankii Facebook-
ga iyo faa’iidadii ka dhalatay .
W/Q: Mohamed Aden Abdul Kareem
Telephone:
+252 63 4445116
No comments:
Post a Comment