Pages

Saturday, March 25, 2017

MID IGA QORA


Marka hore Rabbi bay mahadi u sugnaatay inaga dhigay dad islaam ah, Rasuulkiisana naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Intaas ka dib wakhtigan aan qorayo mowduucan waxa aan ku suganahay guriga xaafadu ka degan tahay magaalada Boorama waxaanan qalinka u soo qaatay in aan qoraal ku muujiyo aragtidayda ku aadan waxyaabaha maskaxdaydu isleedahay waa in aad qortaa oo aad qayrkaa iyo qaar kale oo dadka ka mid ah uga faa'idaysaa.
Dhiganahan aan maanta oo bishu tahay 23-03-2017 maalin sabti ah bilaabayaa waxa uu daaran yahay mid aan isleeyahay way dhici kartaa hadii ay wax iska badali waayaan sidan hada lagu jiro. Mudada aynu halkan iskugu warami doonaa waxa aynu iswaydaarsan doonaa oo aan aniguna idinkaga warami doonaa waxyaabo badan oo inagu wareegsan oo saamayn Togan iyo mid Taban labadaba inagu yeelan kara, idinkuna wixii maskaxdiina ku soo dhaca ee saamayn yeesha aan idiinka faa'idaysan doono.
mowduucyo kala duwan baynu faalayn doonaa oo faro-farayn doona, hadaba Mudane/Marwo mudooyinkii u dambeeyay waxa soo badanayay ardayda jaamacadaha Somaliland ka baxaysa iyada oo marka ardaygu jaamacada ka soo baxo maalmihiisa dunidan ugu farxada badan buu galaa, foolad iyo fantasiyo bay bulshada uu ka dhashay kaga farxiyaan foolaadkooda  u soo baxay oo ay ka filayaan in uu qoyskiisa filkood dhaafin doono; farxada iyo Fantasiyuhu haba raagaane markay soo dhamaadaan ee casuumadana la cuno waxa la galaa nolol farxad gaaban leh oo maalmahaas waxaad suuqa ku arkaysaa qalinjabiyayaasha oo dhar qurux badan xidhan, wajiyadoodana nuur badan ka baxayo, dhoolacadayn iyo iska waraysiga waayihii la soo maray baa goobaha lagu caweeyo ee cuntadana lagu cuno lagu soo ururaa ka dibna laga hoydaa xili dambe oo habeenkii ah. mudo kooban ka dib baa wax walba isbadalaan, labiskii iyo xaragadii laga gudbaa oo runtu runteeda timaadaa, waxaana sheekadii hore lagu badalaa maxaa xiga iyo dalkan shaqo ma taalo.
qunuunucoodu waa qayb ka mid ah shaqo la'aanta iyo wer-werka haysta dhalin badan oo soomaaliyeed, hadaba akhriste dulucda qoraalkani waxa uu yahay dhalinta sanad walba soo baxaysa ee Maskaxdii cusbayd ee wax qaban lahayd maqaaxiyaha muran ku hayaan ee buuxiyeen in ay mar uun fikiri doonaan oo ay fahmi doonaan meesha wax ka qaldan yihiin, waxayna fali doonaan in ay saxaan khaladka meesha ku jira. Hadaba akhriste maxaad ka fahantay intaanad hoos u sii dhaadhicin???


Sanadku markuu ahaa 2011 bishii 1aad waxa dalka Tunisia ama Tuuniisiya ka bilaabmay dibadbaxyo lagu taageerayo isbadal dhab ah oo dalkaas ka dhaca lagaga soo horjeedana maamulka wadankaas, sababaha ugu wayn ee dadka oo dhalinyar u badnaa u samaynayeen baa ahayd shaqo la'aanta ba'an ee dalkaas halakaysay, waxaanay ugu dambayn taladii dalka ka cararay madaxwaynihii wadankaas Ben Ali, waxaana hada dalka Tunisia ay shaqo la'aantu taagan tahay 15% (world Bank) inkastoo ay tiro badan tahay hadana dedaal badan baa socda.

ugu dambayn waxaad iga qortaan in Somaliland hadii ay sidan ku socoto oo wax isbadal ahina iman waayo sanadaha soo socda in dhalinyaradu kici doonaan oo dadkan guryaha dhaadheer dhistay ee aan u danaynayn dadka danyarta ah lagu kici doono
                                         
                                      إذا الشعب يوماً أراد الحياة فلا بد أن يستجيب القدر

waxaanu wadanku isku badali doonaa Fowdo, Tuugo badan baa soo bixi doonta maalinta cad baa la isdhici doonaa ugu dambayna dagaalo ahli ah baa dhici doono hadii rabi qadaro .
INTAAS MAANTA HA INOOGU JOOGTO, MOWDUUCYO KALE INSHA ALLAH WAYNU SOO WADNAA WIXII TAFAASIIL AH IIGU REEB QAYBTA MIDIG AMA EMAILKA HOOS KU QORAN IIGU SOO DIR.

WAAD MAHADSAN TIHIIN

Abdirashid Abdi Jama 
00252634500282
rashka282@gmail.com

No comments:

Post a Comment