Isku filnaanshaha
cuntadu waa mid ka mida ifafaalooyinka muujinaya horumarka dhaqaale ee uu dal
samaynayo ama gaaray, wax ka soo dhoofsashada wadamada dibadduna waa astaan
muujinaysa heerka dib u dhac iyo dhaqaale xumo oo wadamada qaar wajahayaan.
Koboca Wax soo saarka beeruhuna waa wadada keliya ee horseeda hormarka dhinaca
warshadaha sidaan ku aragnay taariikhda dhaqalaale ee aasiya (asia) soo martay,
sidoo kale waa mid kordhinaysa ama kor u qaadaysa dakhliga wax dhoofinta iskuna
dheeli tiraysa dakhliga wax dhoofinta iyo kharash wax soo dejinta ( balance of
payment) ee wadamada. Qaaradda afrika (Africa) waxay ka mid tahay goobaha fara
ku tiriska ah ee weli ku duuganyihiin khayraarka dihin (potential resource) una
baahan in laga faa’idaysto. Waxaynu nahay mid ka mid ah qaarada maanta dunida
horumartay ay ugu jirto tartan maalgashi iyo mid dhaqaaleba se aad moodo inay
dadkeedii hurdaan aysana arkayn ba waxay arkeen wadamada reer yurub (Europe),
America, wadamada Asia iyo qayb ka mida waddamada khaliijka carabta.
Haddaba
waxaan rabaa inaan wax yar ka taabto halista wax soo saar la’aan (xagga
beeraha), iyo mida ma shaqaystinimo, sidoo kale faa’idooyinka beeruhu inoo leeyihiin
iyo khataraha aan kaga badbaadi karno ee nagu soo wajahan iyo sida ay uga qayb
qaadankaraan horumarinta dhaqaalaha sida wax soo saarka dhaqaalaha shaqada iyo
wax dhoofinta. Dhulka soomaalidu degto waxaa loo qaybiyaa 7 qaybood marka laga
hadlayo cilmiga juquraafiga, qayb walboo ka midana waxay ku haboon tahay qayb
nolosha ka mida, ma ahan dhulka soomaalidu meel ay ka jiraan cimilo
bini’aadamku karahsado/dhibsado ma ahan mid ku caan baxday qabow daran sida tan
ka jirta wadamo badan oo reer galbeedka ah mana ahan dhul looga cararo kulayl
sida wadamo badan oo kamida carabta, sidoo kale waa dhul leh kaymo sida
koofurta fog ee soomaliya iyo qaybo ka mida buuraleyda calmadow, waa dhul leh
dhul beereed ay maraan labo webi ( labada shabeelle iyo labada jubba), waa dhul
leh xoolo daaqsin aad u balaadhan, sidoo kale waa dhul ku caan ah xeebta africa
ugu dheer hadana ugu khayraadka badan sidoo kalena leh dhulkii cusbada/milixda.
Waa geyi ugub aysanna ka marnayn saliida qaydhiin/ceedhiin ee laga sameeyo
shidaalka, macdanta kala duwan ee dhagaxa ah, hana ka reebine waxaan ka madhnayn
goobaha dalxiiska sida jasiirada sacaada-diin, buuraha gacan libaax,
sheikh,daallo, calmadow, jasiiradaha kudhaa iyo jasiirado yaryar oo kuyaal
koonfurta soomaalia, sidoo kale xeebihii dalxiiskuna kama madhna iyana. Hadaba
hadaan in yar wax ka taabano wax soosaar beeraha. Sida cad wixii ka danbeeyey
burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya ummadda soomaalidu waxay ku kala
noolaayeen degaano haybeed (Maamulo Reereed) iyo deegaano maamul dowlad ahi ka
jirto, si looga soo kabsado dagaaladii sokeeye iyo rafaadka dowlad la’aaneed,
waxaa samaysmay maamulo yar oo iskood isu taagay iyo dhul ay weli ka taliyaan
hogaamiye kooxeedyo inkastoo wadanka qaybtiis ay ka dhalatay nabad lagu
deganaaday laguna wada noolaaday hadana ma gaadhin heer isku filnaansho
dowladeed waxana badi kaabayey wadamo shisheeye iyo hay’addo caalamiya kana
taageerayey xaga dhaqaale. Sida ay xuseen aqoonyahanada cilmiga beerahu, waxa
la sheegaa in dhulka soomaalidu degto yahay dhul ku haboon wax soosaarka
beeraha iyo ku dhaqashada xoolaha, sidoo kale inuu yahay dhul leh cimilo
dabiici ah oo ay macquul tahay in wax lagu beero afarta xilli sanadeed, taasna
hadii laga faa’idaysto waxaa hubaal ah in soomaalidu gaadhayso isku filnaansho
cunto iyo mid dhaqaale.. Hadaba somaalidu abtirsi walba oo ay leeyhiin waxay
noqdeen kuwo ku tiirsan gacmo shisheeye, waxay noqdeen kuwo suga dalagyada ka
soo go’a wadamo shisheeye waxaana meeshii ka baxay wax soo saarkii dalka.
Dhinnaca beeruhu waxay noqdeen kuwo laga quustay mayee aanba la isku da’yin in
la fasho/qoto bedelkoodiina waxaa galay raashin laga soo dhoofsado wadamo kale.
Sidoo kale waxaa hoos u dhacay dakhligii dalka inkastoo maamulada dhismay ay
kaabaan dowlado iyo hay’ado shisheeye, waxaa Iyana hoos u dhacay nidaamkii
shaqo oo meeshii ugu xumayd gaadhay shaqo la’aanta dalka. Sidoo kale waxaa
dalka si aad ah usoo galay lacago shisheeye oo noqday kuwo ka shaqeeya gebi
ahaanba suuqyada dalka kuwaas oo sababay qiimo dhac ku yimaada lacagihii dalka
taasina waxay hormuud u noqotay sixir/sicir barar aan joogsi lahay oo saameeyey
dhamaan dadka waxana sii adkaaday nolosha dadkii oo ku tiirsan wadamo kale oo
aysan ka shaqaynayn lacagtoodu taasina waxay hiiftay noloshada dadka oo ah kuwo
aan waxba gacantooda kula soo bixin. Hadaba waxaa nolosha soomaalida kasii
dhigay ka daroo dibi dhal markii ay soo noqnoqdeen abaaro ku dhuftay bariga
Africa oon waxba ula harin dadkii xoolo dhaqatada ahaa iyo dadkii ku noolaa
waxa ka soo baxa xoolaha quud iyo dhaqaaleba. Hadaba dhawaqa ka soo yeeraya
abaarta iyo iyo sixir/sicir bararka dalka waxaa kasii waynaaday dhawaqa ka iman
doona wax soo saar la’aanta dalka iyo ifafaalada laga qabo inuu qarxo dagaalkii
sadexaad ee aduunka, hadaba maxaa ku dhici kara nolosha soomaalida haddii
dagaal ka qarxo caalamka/aduunka? Maxaase iman kara hadii cunaqabatayn dhaqaale
la saaro soomaalida? Inta badan cuntada, qalabka dhismaha, gawaarida,
dawooyinka, IWM, waxa ay noo soo mararaan badda cas iyo badda hindiya labaduna
waa goobo ay ku gooshaa maraakiibta calaamka isaga gudba, sidoo kale waxaa ku
tartamaya badda cas quwadaha aduunka ugu tunka wayn iyo xulufadooda waana kuwa
looga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo dagaal caalamiya. Hadaba haduu dagaal dhaco
ma noqonayso badda cas meel maraakiibtu ay si amni ah ku maraan? gaashaan
buurna isku aamini mayso in Markab si nabad ah uga soo ag dhawaado taasina
waxay sababaysaa inuu hoos u dhaco isu socodka ganacsi ee caalamku cidda ugu
horaysa ee uu saamayn taban ku yeelanayaana waa soomaalida oo kutiirsane u
ahayd gacmo shisheeye iyo badda cas, Waxaa go’aya raashinkii, dawooyinkii iyo
wax walba oo ay caalamka kala soo degi jirtay, mana jiraan waxay ay ku
noolyihiin oo ay dalka kala soo baxaan hadaba miyayna noqonayn kadar oo dibi
dhal. Maalintaasna waxaa mudo sii badbaadaya/noolaanaya ninkii lahaa beer ay
wax uga soo go’aan isna waxaa ku adkaanaysa inuu cuno cuntada waddaniga ah.
Hadabba Sidaan horay ku soo xusnayba wadan wuxuu wax dhoofiyaa markuu daboolo
bahiyaha dadkiisa wixii ka soo harana dunida u iib geeyaa, daboolida baahiyaha dadkuna
waa mid ka mida daboolida faqriga iyo gaajada. Horaa soomaalidu u tiri {beertaa
waxay ku siiso bahdaa kuma siiso}, hadaba waxaa loo baahanyahay dowladu haday
ka fekerayso kobcinta dhaqaalaha, shaqa abuurka dalka, koboca wax soosaarka
dalka, hormarinta warshadaha, kor u qaadida dakhliga dalka iwm, waa inay
maal-gelisaa wax soo saarka beeraha iyo dhiiri gelinta in wax la beerto taasina
waxay u horseedaysaa:
1. In la gaaro isku
filnaansho cunto
2. In la cirib tiro
faqriga
3. Inuu kor u kaco wax soo saar ka dalku
4. Inay abuur maan
fursado cusub oo shaqo
5. Inuu kor u kaco dakhliga dowladu
6. In lagu dhiirado
in warshado dalka laga hir-galiyo
7. Inuu dakhli badan
ka soo galo dhoofinta wixii ka soo go’ay dalka
8. Waxaa abuurmaya suuqyo cusub oo ganacsi iwm
Hadaba iyadoo intaa iyo in ka badan la awoodo in la abuuro ayaa hadana moodaa
in inta badan madaxdu ku mashquulsantahay arimo gaar ah dib u dhacna ku haya
dalka iyo in aan weli la qorshaynayn qorshaha wakhtiga fog iyo midka dhowba,
waxaaba ka sii daran hadana xaalada dadkiina ay maalinba maalinta ka danbaysa
ay god ku sii dhacayso iyadoo sicir/sixir barar iyo abaarna maalin ba maalinta
ka danbaysa ay waji cusub lasoo baxayaan khatarka wax soo saar la’aantuna iman
karto.
Waa Qalinkii: Maxamed Cabdi Ciise
Dhaka Bangladesh
No comments:
Post a Comment