Pages

Wednesday, July 5, 2017

Qaxootiga Xadhkaha Goostay; iyo Ku Qul-Qulidda Qaaradda Europe.

Qaxootigu iskama abuurmin ee sababo dhaliyey ayaa jira. Waxay Somalidu ku maahmaahdaa haad habeen kacay sabab kicisay ayaa jirta ee iskama kicin.
Markii Ingriisku sameeyey warshadaynta ( Industrial revolution) wax yar kadiba waxaa iyaguna ka daba sameeyey wadano kale oo ay ka mid tahay Faransiiska. Markii dambe waxay wada gaadhay qaaradii Europe oo wadan waliba dadaalkiisa ku samaystay. Waa qarrnigii 1870 ilaa 19 kii. Ingriisku gelin ayuu ku amar ku taagleeyey sancadii oo uu dhaqaale badan ka helay kana dhigay in uu noqdo quwadda ugu wayn.
Markii ay reer Europe heleen dhaqaale iyo xoog  waxay bilaabeen gumaysi iyo in ay xoog ugu taliyaan dunida inteeda kale. Waxay bilaabeen in ay qaybsadaan dunida si ay hantida dalalka ay gumaystaan ay hantidooda ay u bililiqaystaan iyo xoogooda si ay alaabooyinka caydhiin ugu helaan warshadahooga (Raw material) Waxaa iyadana ay dhinac wadeen in aanay waxba barin dalalkaas si aanay hadhaw ula tartamin.
Waxaa kale oo ay curiyeen oo garab socotay fikradaha nidaamka hanti wadaaga iyo hantigoosadka. Ka hor inta aanay noqon quwadaha kowaad dhaqaale iyo xoogba waxaa ahaa quwadda ugu dhaqaalaha badan wadanka Shiinaha. Waxaa kadib ay u kala qaybiyeen dunidii reer galbeed iyo reer bari. Waxaa borotankii keenay in ay kala noqdaan laba quwadood oo kala aaminsan laba fikradood. Waxay kala samaysteen laba ciidan beeleed oo ay ugu magac dareen Nato iyo Warsaw. Waxaa reer galbeedku bilaabeen siyaasad colaadeed oo ay doonayaan in ay ku burburiyaan wadanadii iskaga bahaystay shuucinimoda oo ay hormood u noqdeen Ruushka midoobay iyo Shiinuhu. Waxaa ay curiyeen cadaawadda la baxday dagaalka qabaw (Cold war)

Kibirkii ay dunida kula dhex jireen ilayn markii ay dhaqaale heleen waxaa buuxsantay hantoodii ka dibna waxaa ka dhex qarxay dagaalkii kowaad (First world war) Wadanka Maraykanka oo dadaal ugu jiray sidii uu ula mid noqon lahaa quwad ahaan ayaa sida dalakii reer Europe isaguna ku talaabsaday warshadayntii oo isla mar isaguna aan kaba dambayn.
Waanu ka dal weynaa oo wuxuu haystay dal dihin. Wuxuu noqday quwad dhaqaaleh oo xoogan walow aanu gaadhayn Ingriiska.
Markii dagaalkii kowaad faraha la iskula tegay ayuu goostay maraykanku in uu dhexdhexaad ka ahaado dagaalka. Kadib waxaa burbur ku yimid quwaddii Ingriiska ee ugu xooga weynayd. Dalkii Germalka ee qoomkii uu madaxda u ahaa Hitler ee ku duushay Europtii kale ayaa burbur xoogan u gaystay Ingriiskii iyo Europtii kale.
Ilayn markaad baxayso buuraha jinka ayaa laguu bidh-bidhiyaaye inankii Hitler waa kan dagaal ku bilaabay Maraykankii is nabaayey . Waxaa uu kaga soo bilaabay wadanka ay jaarka yihiin ee Mexico. Waxaa uu kadib ka faaiidaystay dagaalka Germelku ku soo qaaday. Waakan dagaalkii soo galay isagoo noqday xoog iyo dhaqaaleh dihin. Halkaas ayuu ku dhaafay ingriiskii warshadaynta ugu horeeyey oo uu ku noqday quwadda hormoodka u ah reer galbeedka.Waxaa dagaalka uu ugu dhiiraday waxaa la jaar ah laba wadan oo kala ah Mexico iyo Canada oo ah dalal nabadeed oo aanu ka baqayn in ay dabada kaga dhiftaan.
Dalakii reer Europe waa kuwan ku talax tegay wadamadii ay gumaysanaayeen ee hantidoodiina u raray dalalkoodii. Dalalkaasina waxay u ahaayeen kuuli iyo karaaniin hoose oo aan ogayn waxa la kala iibsanaayo.Maraykanku isagu dib ayuu uga joogsaday oo gudihiisa ayuu bilaabay in uu dhiso.
Qoladii reer Europe ee Ingriisku hormoodka u ahaa waa kuwan kibirka iskaga kala daadiyey ee dhibaatada u gaystay dalalkii dunida. Waxaa taasina keentay in uu Maraykanku noqdo quwad kana xoog badan kana dhaqaaleh badan. Marka uu qoom kibrana ilaahay ayaa dadka ka qabta.
La soco markii uu Maraykanku noqday quwadda kowaad ee uu dhaqaalana helay waa kan bilaabay daandaansi ku wajahan dalalkii Shuciga ahaa. Binu Adamku casharada soo maray kama faaidaystee waa kan hormoodka ka noqday siyaasadda keentay in ay xoriyadda ka doortaan qiyaamkii ahaa in uu ilaahay u baneeyey relationshipka nin iyo naag ee taasina keentay in tarankoodii yaraado oo kadib huladii ku soo buuxiyaan dad ay ka keenaan dalal kale si aan dhaqaalahoogu isku dhimin. Waa kan isku qaaday ee dagaalka la galay Vietnam. Waxaa dadkii u horeeyey ee doonyo soo fuula lagu arkay dadkaas uu dagaalku soo barabixiyey. La soco Qaybo Kale......

Pro Ibraahim Adem Qaalib
Senior Accountant 
Borama, Awdal
+252634500515

No comments:

Post a Comment