Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland maxamed nuur caraale duur ayaa waxa uu u magacaabay xoghayihii hore ee komishanka doorashooyinka somaliland xoghayaha fulinta dowlada hoose ee magaalada saylac.
wasiirku isagoo ogaa in ninkan uu hore u qaadacay doorashadii deegaanka haddana u magacaabay mansabkaas, taasina waxa ay u horseedi doontaa in ay sii kacdo nabadii la dhow-dhowrayay waxana laga war sugi doonaa sida ay ku dambayso magacabistani,
waxa aan la garanayn sida ay wada shaqayntu uga dhaxayn doonto maayarka hadda haya xilka oo uu hore u qaadacay xoghayahani guushii uu ka gaadhay doorashdii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii hore.
waxa kaloo jirtay in la gubay gaadhigii maayarka isagoo maalintaa uun la keenay, waxa wax laga xumaado noqotay in ay dowladu maaro markay u heli wayday ay bilowday in ay huriso arintan murugsan.
waxaa jiray hadal ka soo yeedhay wasirk duur oo ahaa in ay gando ka imanaya ethiopia iyo guurtida ay kuwada hadli doonaan magaalada saylac iyadoo hadalkaasi uu kiciyay suldaanada gobolada awdal iyo salel iyagoo ku tilmaamay inuu yahay hadal aan laga fiirsan keenina kara dhibaato maaro loo waayo.
BY:A//RACHID ABDI JAMA (RASHKA)
BORAMA AWDAL.
No comments:
Post a Comment