Pages

Friday, March 1, 2013

Qaar Ka Mid aha Salaadiinta Somaliland oo Ka Dayriyey Xalada Siyaasadeed ee Dalku ku Sugan yahay, Komishanka Doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in Dhakhso ay u soo badalan 10Xildhibaan ee Degmada Saylac iyo Lughaya ee iscasilay.

Qaar ka mid aha Salaadiinta Somaliland ayaa Si Adag uga hadlay Khilaafka Deeganka Saylac ee Gobolka Salaal, waxayna Sheegen in ay Xaladu dalku marayo ay tahay Mid khatar ah oo qaranimada Somaliland Halis galin kara, waxayna Baaq u Direen  Xukumada Somaliland gaar ahan Madaxweynaha oo ay sheegen in laga sugayo Go’aan Madaxweynenimo oo uu ka qaato arrimaha Saylac, wax kale oo ay Baaq u direen Komishanka Doorahsooyinka oo ay u soo jeediyeen in ay soo badalaan 10xildhibaan ee deeganka Saylac ee Iscasilay oo 10kale oo Xildhiban ku soo badan.
Sidaasi wax Sheegay Suldaan C/raxman Cawaale Hurre (Dude), Suldan Mahad Maxmud Xirsi , Cheif Caqil Xassan Ibraahin C/laahi, Cheif Caaqil Cabdi Cali Nuur, iyo Saldiin kale waxayna Shirkaasi jara’id maanta ku qabteen Hotel Xaraf ee Maglada Hargeysa.

BY ABDI RACHID ABDI JAMA(RASHKA)
BORAMA AWDAL

No comments:

Post a Comment