Sida laga wada warqabo, abaarihii dhowrkii sano ee aan ka soo
gudubnay sida isdabajooga ah uga dhacay qaybo badan oo ka tirsan
deegaanada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Salel, waxay sabab u
ahaayeen barakacayaal tiro badan inay ku soo qulqulaan tuulada
Gargaara-Bari ee degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo magaalada
Garbo-Dadar ee xarunta degmada G/Dadar ee G/Salel.
halkaas oo barakacayaashaasi ay weli mudo dhowr sano ah ku sugan
yihiin kuna dacdaraysan yihiin, isla markaana iyaga oo weliba waqtigan
xaadirka ah ka walwalsan xaaladooda nololeed oo maraysa heerkii ugu
hooseeyey tan iyo intii ay soo barakeceen, taas oo ay sabab u tahay
iyaga oo mudo afar bilood ah aan helin wax raashin ah oo haba yaraadee
ay quutaan iyo weliba iyaga oo ilaa hada aan ka garan karayn cid
mustaqbalkooda nololeed u dhiil haysa inta ILAAHAY KA SOKAYSA.
Hadaba, iyada oo ay sidaas tahay xaalada barakacayaashaasi ay
waqtigan xaadirka ah ku sugan yihiin, hadana, waxa nasiib-darro ah ma
arkaysid mana maqlaysid cid bani’aadannimo ahaan uga damqanaysa ama uga
xanuusanaysa xaaladooda nololeed, hadii ay tahay xukuumada Somaliland ee
Madaxweyne Siilaanyo, bulshada reer Awdal iyo Salel ee ku kala nool
dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo Gudida Abaaraha ee gobollada Awdal
iyo Salel. Dabcan, taasina waxay u muuqataa mid si cad uga tarjumaysa
inayna barakacayaashaas cidi u maqnayn ceelna u qodnayn.
Isku soo wada duuboo, walow shabakadaha wararka ee gobollada Awdal
iyo Salel had iyo jeer laga akhristo lagana daawado deeqo lacageed oo
tiro badan oo ku socda barakacayaasha kor ku xusan, deeqahaas oo
qurbajooga reer Awdal iyo reer Salel ay u soo gudbiyaan Gudida Abaaraha
ee Gobollada Awdal iyo Salel, hadana, ma arkaysid meel deeqahaasi ay
maraan ama loo leexiyo, maadaama qaylodhaan ba’ani ay had iyo jeer ka
soo yeedhayso barakacayaashaas oo weli mudo dhowr sano ah ku sugan
tuulada Gargaara-Bari iyo magaalada G/Dadar oo ka kala tirsan gobollada
Awdal iyo Salel.
No comments:
Post a Comment