Waxa haatan sii damaya ama iskaba qaboobay khilaaf muddo laba bilood
ah ka taagnaa maamulka saylac ,iyadoo beel ka mid ah beelaha degaankaasi
ee lagaga adkaaday doorashooyinkii golayaasha degaanada dalka ee Saylac
ka dhacay ,hase yeeshee beeshaasi ku qanci weyday itaalkeeda dhinaca
degaanka ,isla markaana buuq iyo abaabullo siyaasadeed iyo kuwa
beeleedba ka dhex bilowday soomaaliland iyo dalalka deriska ahba .
Masuulyiinta soomaaliland oo in badan dhegeysanayey cabashooiyinka
gardarada ah ee kasoo baxayey beesha Ciise ,dhegeystayna wufuuddii
beesha Ciise uga kala timi dalalka deriska ah iyo masuulyiintii
soomaaliland ee Beeshaasi ,isla markaana dhegeysatay taageerada beel ka
mid ah beelo kale oo ka mid ah Soomaaliland , la tuhunsanyahay inay
beesha Ciise hoosta kala wadeen kaambaynkaasi ,ayaa aakhirataankii la
dhaafi kari waayey go’aankii guddiga doorashooyinka soomaaliland
,xaqana siinayey beelaha aqlabiyadda kagasoao baxay golaha degaanka ee
degmadaasi ,faragelin kastoo lagu sameeyeyna waxba tari weyday .
Markaan usoo noqonno doorka beelaha Samarroon iyo masuulyiintooda ka
qaateen ololaha lagu mijoxaabinayey maamulka Saylac ama lagu
taageerayey maamulka halkaa laga doortay ,ayaan kusoo qaadanaynaa
doorkii ay arrintaa ku lahaayeen masuulyiinta gobolka awdal kaga jirta
xukumadda soomaaliland ,uuna ugu sarreeyo M/xigeenka sita magaca
degmadasi lagu muransanaa ,C/raxmaan Saylici.
Inkastoo ad mooddoo in beelaha Samarroon maanta ka siinaayeen
aragtida ah in la daafaco maamulka halkaa laga doortay ,guusha lagu
gaadhay hadafkaasina la wada sheeganayo, balse laga yaabo inay jiraan
qaybo hoosta kala socdeen beelaha muranka geliyey magaaladaasi
maamulkeeda ,isla markaana ana daacad laga wada ahayn dedaalkaasi
markaad eegto doorka siyaasiyiinta , dhallinyarada iyo muwaadiniinta
kale ee reer awdal,waxanad mooddaa in masuulyiinta soomaaliland kaga
jirta gobolka Awdal ahaayen kuwa dhinac ka ilaashanayey shaqadooda
,dhinacna dadweynaha isku tusayey mujaahidiin Saylac soo dhicinaysa
,shaqadooduna ahayd uun qawda maqashii waxna ha u qaban.
Waxa taasi daliil u ah
A- Doodda ay ka bilaabeen Saylac
,golaha halkaa laga doortayna u bandhigeen ama usoo jeediyeen inay ka
tanaasulaan maamulka magaalada.
B- Sida wafdigii ka koobnaa
wasiirada Samaroon ugu guuldarraysteen inay xaflad xilwareejin ah u
qabtaan maamulkii la doortay ee degmadaasi iyo kii laga wareejinayeyba
,waxana inta badan socdaalkooda hagayey Hargeysa ,oo uu joogo
madaxweynihii G/awdal .
C- Midda kale marnaba
masuulyiinta gobolada Awdal iyo Salal kaga jirta maamulka Soomaaliland
,marka lagu daro m/xigeenka, si toos ah iyo si dadban midna xukuumadda
uguma eedeynin faragelinta ay ku hayso maamulka saylac iyo sida
gurmadka gardarada ah loogu badhi itaalayey beesha Ciise ,oo iyagu
Hargeysa iyo meel kastaba masuulyiintooda iyo odayaashooduba si an kala
hadh lahayn oo cad uga hadlayeen damacooda.
Sidaa darteedna masuulyiinta gobolka Awdal kaga jirta xukuumadda
Siilaanyo laguma ammaani karo doorkii ay ka qaateen arrinta Saylac
,waxaba la odhan karaa way mijo-xaabinayeen mar haddii ay sadexda qodob
ee ABC-ba ay ku sifoobeen .
Dhinaca kale m/xigeenka oo ah masuulka ugu sarreeya gobolka
awdal,ayaa isagoo askar farobadan wata wafdi ka socda xukuumadda
soomaaliland kusoo hor kacay Boorama isagoo og xaraaradda dadweynaha
reer Boorama iyo cadhada ay waftiga imanaya ka qabaani heerka ay
taagnayd
M/xigeenku wuxu watay ciidan tiro badan iyo gaadiidka dagaalka oo aad
moodeysay inuu duulaan ku ahaa dadka mudaaharaadayey ee an
hubaysnayn,waxanay ciidankaasi geysteen toogashooyin dadna ku dhinteen
,dadna ku dhaawacmeen ,taasoo ka dhalatay cadho lagula duldhacay wafdiga
uu wakhtiga xun soo geliyey magaalada,hase yeeshee xag ilaahay uun
khasaarahaasi ku yaraaday ,haddii anay qorraxdu dhicinna khahasaaruhu
intaa kasii badan lahaa .Ciidankan toogashooyinka geystay ayaa waxa
ku jiray qar ka mid ah Ilaalada madaxweynekuxigeenka ee Hargeysa,mana
dhaceen klhasaarahaasi hadii uu m/xigeemnku iskii Boorama u iman lahaa
dadka ama gobolka uu kala tashan lahaa arrimaha Saylac ,balse an looga
fadhiyin inuu ciidammo hubaysan soo duldhigo bannaanbaxyada dhacayey.
Guud ahaan marka la eego dareenkii noocaas ahaa kuna saabsanaa
maamulka Saylac iyo faragelinta xukuumadda ,waxay cid kastaa ogaatay
inaan la dhaafi karin dareenka dhallinyarada iyo muwaadinka caadiga ah
,khasabna lagu qaato,sidaa darteedna an la aodhan karin m/xigeenka
,odaydhaqameedyada ama salaadiinta gobolka ,wakhtigii Rayaalena qayb ka
ahaa dhibaatada Saylac Samaroonka ka qabsatay iyo siyaasiyiinta kale
ee reer Boorama ka joogta Hargeysa ayaa ka dambaysay soo celinta
maamulka Saylac ee beelaha samarroon ,waxayna ku timi dhiiggaa
dhallinyarada iyo shacbiga caadiga ah .
BY:Abdi rachid ABDI jama (rashka)
BORAMA AWDAL
No comments:
Post a Comment