Haweenka
ayey daraasaddu tilmaantay in ay maskaxooda ugu shaqeeyaan si xad-dhaaf
ah oo xataa mararka qaar tamartu ka lunto si ay u gadhaan natiijo
wanaagsan, halka raggu la kala hadhaan fikiradahooda, sababtoo ah ragga
maskaxdooda waxa ku badan unugyo ka hawlgala waxyaabaha macquuliyaadka
ku dhisan, halka dumarkuna fikiradahooda degdeg ugu dhaqaaqan oo aanay
wax dib-u-dhigis ah ku samayn.
Khubaradan oo ku takhasuustay hab-dhiska neerfisyada maskaxda ee farriimaha qaada ee aadamaha oo cilmi-baadhistooda la kaashaday mac-had ku yaal magaalada Madrid ee dalka Spain, waxay
daraasadooda ku saleeyeen su?aal ahayd ?waa maxay sababta dumarka oo 8%
ka maskax yar ragga ay haddana ula fikir yihiin??
Sidoo kale, waxay daraasaddu diiradda
saartay qaybta maskaxda ee la yidhaa Hippocampus oo muhiim u ah xasuusta
iyo caaddifadda, kadibna waxay sheegeen in raggu qaybta Hippocampus aad
u ballaadhan tahay, sidaa darteedna dumarka ka maskax badan yihiin,
balse haween tiro yar uun qaybtaas ayaad u isticmaalaan, dabadeedna
xagga fahamka gaadheen ragga.
Saynisyahannada oo sameeyey tijaabo
cilmi-nafsi ah oo ay ka qaadeen 59 haween ah iyo 45 nin oo da?oodu u
dhexayso 18 ilaa 27 jir, ayaa daraasadoodu daba socotay cilmi-baadhis
hore, waxaanay ogaadeen in dumarku ku fiican yihiin inay go?aanadoodu
isla beddelaan waqtiga, halka raggu hal-adagy dhibaato keena leeyihiin,
sidoo kalena haweenka maskaxdoodu ah aad ufu giican tahay hawl-qabadka
degdegga ah.
?Cilmi-baadhistu waxay soo jeedisay in
dumarku ka maskax yar yihiin ragga, gaar ahaan qaybtooda Hippocampus oo
aad uga yar ta ragga, taasna macnaheedu maha in baaxadda maskaxdu
saamayn ku yeelanayso shaqadooda, laakiin waxay faa?iido leedahay in
maskaxba midday ka xajmi yar tahay ay unugyada farriimaha gudbiyaa kaga
badan yihiin, shaqadooduna ka degdeg badan tahay.? Sidaa waxa yidhi
Prof. Trevor Robbins oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge University.
By:Abdi Rachid Abdi Jama (rashka)
rash282@gmail.com
Borama Awdal
No comments:
Post a Comment