Friday, March 15, 2013
Oday 106-jir Ku Dhamaystay Dugsiga Sare
Waxbarashada iyo korodhsashada aqoontu waa mid aadamigu isla wada garansan yahay in aanay ku xidhnayn cimri, oo aanay lahayn heer lagaga gaboobo, waxaanay maskaxda aadamigu awoodi kartaa in ay wax barato ilaa marka qofku ka dhimanayo haddii ay u fayow dahay.
Haddaba waxa xaaladaas iyo awooda maskaxdu leedahay si dhabb ah u xaqiijiyay oday waayeel ah oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo isagoo 106-jir ah dhawaan dhamaystay dugsiga sare ama ka qalin jabiyay sida Somalidu tidhaahdo.
Sida ay ku warantay shabakada wararka ee Azcentral, Fred Butler waxa uu dugsiga sare dhamaystay isaga oo boqol iyo lix sanadood jir ah, waxaanu dhawaan helay shahaadadii dugsiga sare, sida shabakadu sheegtay odaygan ayaan isagu awoodin wakhtigii uu yaraa, inuu dugsi dhigto oo wax barto, waxaanu si deg deg ah yaraantiisi u bilaabay shaqo iyo xoogsi uu nolol maalmeedkiisa kula soo bixi jiray.
Hasa yeeshee waxa uu waxbarashada bilaabay markii uu boqol jir ku soo dhawaaday, taas oo ay sabab u ahayd, dhimashada xaaskiisi uu aadka u jeclaa oo ka geeriyootay markii muddo lixdan sanadood ah ay is qabeen, ka dibna murugadii dhimashada xaaskiisu ku keentay inuu khal khalo, laakiin carruurta uu awoowga u yahay, oo danaynaya inay helaan wax ay kaga mashquuliyaan murugada geeridii xaaskiisa ayaa u soo jeediyay in wax barasho uu galo isna wuu ka aqbalay waxaanu sidaa ku galay dugsiga ilaa uu ka qalin jabiyay.
Dugsiga uu ka qalin jabiyay odaygani ayaa isagu u qabtay munaasibad gaar ah oo warbaahinta iyo dad badan oo caan ahi ka soo qayb galeen waxaanay maamulka dugsigaasi, ogaysiis ku bixiyeen warbaahinta ay ku sheegayaan in qofkii ugu da?da waynaa Maraykanku uu ka qalin jabinayo dugsigooda sare, halkaas oo si wayn looga soo qayb galay.
By: Abdi Rachid Abdi Jama
rashka282@gmail.com
Borama Awdal
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment