Pages

Sunday, March 31, 2013

Tog-wajaale:Qiso Cajiib ah Oo Kayaabisay Ganacsatada Wiil Todoba iyo Toban Jir ah Oo Fuliyay Tuugadii Ugu Layaabka Bandeyd iyo Fariinta Mulkiilaha Bakhaarku U Gudbiyay Ganacsatada

Wiil todoba iyo toban jir ah ayaa Salaadii Jimcaha ka hor ka fuliyay Gudaha Magaalada Tog-wajaale Qiso tuugo ah oo aad u layaab badneyd kadib markii uu kusii dhex dhuuntey agabka mid kamid ah Bakhaarada ka Ganacsada Bagaashka ee kuyaala Gudaha Magaalada Tog-wajaale, salaadii jimce ka hor halkaas oo uu ku jabsadey   Khasnadii meherada oo dhan intii Salaada lagu jirey.
Wiilkan Todoba iyo Tobanka Jirka ah ee kusii dhex dhuuntey mid kamid ah agabkii Bakhaarka Bagaashka ayaa iska furey Qufulka loo yaqaan daakhiliga haseyeeshee, waxa xanibey Qufulka handaraabka ah ee uu korka kaga sii Xidhey Mulkiilaha Bakhaarkaasi kaas, oo badbaado u

noqdey in aanu ka bixin meheradii Tuugii da,da yaraa islamarkaana, uu ku dhex xanibnaado Gudaha Bakhaarka tan iyo intii uu Salaada kasoo baxayey Mulkiilaha Meheradaasi oo aqalkiisii Ganacsiga ugu dhex yimid nin kujira.
Maxaa dhacey Intaa kadib?
Mulkiilaha Meherada Ganacsi ee lagu iibiyo Gnacsiga Bagaashka ee uu agabka kusii dhex dhuuntey Tuugaa todaoba iyo jirka ah Maxamed Xuseen Aamusane oo Hadhwnaagnews uga Waramay sidii ay u wax u dhaceen waxa kamid ahaa hadaladiisii.
"Markii Salaada Jimcaha loo dareeray ayaan bakhaarka ka baxey kadibna Marki
Salaada Laga soo noqdey meherada Quful daakhili ah iyo quful kale ayaan kusii xidhay ee aan Bakhaarka kusoo noqdey ee aan Furey ayaan ugu imid wiil aad u da, yar oo makhalkii jabiyay oo lacagtii iyo khansnadii Gurtey kaasskiina dhulka kusoo daadiyay meel uu ka baxana garan la,a waxaanan ku qabtey xoog intaan bakoorad ku waabiyay anigoo is leh wuu kaa boodi waxaan kusii xidhay Suuliga intaan xoog ku qabtey kadibna Waxaan ugu yeedhay Booliska , daaqaduna wey furneyd ee ma ogi hada in uu cid kale halkaa Wax uga dhiibay laakiin  hantida badankeedii waan ka reebay sidaasaan Tuugii ku qabaney oo aanu Booliska ugu dhiibney qisadani mid sidaa u dhacdey ayey aheyd"Ayuu yidhi Ganacsade Maxamed Xuseen Aamusane.
Waxa kale oo Mr Aamusane sheegay in aaney Wali tan oo kale soo marin tan iyo intii uu Magaalada Tog-Wajaale ku haystey Meherada.
"Waa qisadii iigu horeysay ee aan arko intaan meheradan haystey Tuug habeenimo soo dhaca la sheeg laakiin Tuug agabka ku dhuunta waa kii iigu horeeyay ee noociisa ah"Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaa ku darey isagoo ka jawaabayay Su,aal la weydiiyay oo aheyd Wakhtiga uu wiilka yar ee Tuuga ahi ku dhuuntey Meherada iyo marka uu soo galey waxa uu yidhi.
"Waxa uu soo galey markii loo dareeray Salaada jimce xiligaas oo lagu mashquulsan yahey Weysada markaasuu xaga dambe ee bakhaarka galey oo uu ku dhuuntey agabka, waligayna anigu maan arag wiilkan yar Tuugtu wey iska jiri jirtey laakiin ilaahay ha inaga badbaadiyo taxadirna waa loo baahan yahey"Ayuu yidhi Gnacasade Maxamed Aamusane.
Gabagabadiina waxa uu uga Digay Ganacsatada in ay ka foojignaadaan oo ay iska ilaaliyaan Qufulka daakhiliga ah isagoo ka hadlaya Waxa uu yidhi.
"Waxaan Ganacsatada uga digayaa in ay iska ilaaliyaan Qufulka Daakhiliga ah oo aanay kalidii had iyo jeer ku xidhaan meheradaha balse ay mar walba raaciyaan Qufulka kale ee Dusha ee handaraabka ah waa iga digniin ilaahay ha ina ilaaliyee lamana Xasuusto mararka Qaarkood degdega ee bal iska jira ayaan leeyahey Ganacsatada"Ayuu Yidhi Ganacsade Maxamed Xuseen Aamusane.
Ma aha markii ugu horeysay ee Tuugada noocan oo kale ahi ka dhacdo Tog-Wajaale ka dhacdo haseyeeshee, waxey tan oo kale ka dhacdey tiraba laba jeer oo la isku dhex qariyay agabka iyo kartoonada Bakhaarka yaala inkastoo ay Tuugtaa hore sida la Sheegay ahaayeen Tuug Waaweyn haseyeeshee, waxa ka yaabisey Guud ahaanba Ganacastada wiilkan da,da yar ee Qisadan ku sameeyay Mid kamid ah Bakhaarada Tog-wajaale ee ka ganacsada bagaashka.
Waxa uu ku Xidhan yahey Wilkaa yari Saldhiga Booliska Tog-wajaale oo loo taxaabay markii la Qabtey.

By: Abdi Rachid Abdi Jama
rashka282@gmail.com
Borama Awdal 

No comments:

Post a Comment