Shabakadda Fox News ayaa shaacisay in Gabadhan ay Hooyadeed iyo Aabaheedba siisay Caano iyaguna ay u arkeen inay Gabadhooda wanaag u samaynayso sidaasna ay Caanihii ku cabeen. Hase yeeshee Waalidkii ayaa dareemay Dhadhan la yaab leh, durbadiibana waxay galeen Hurdo.
Markii la gaaray 1-da Aroortii hore ayeey kasoo tooseen iyagoo u ek sidii dad Sarqaansan ama Cabsan oo sidoo kalena dareemaya Madax xanuun.
Labada Waalid ee Gabadha dhalay ayaa Booliska ka codsaday in la baaro Caanaha ay Gabadhooda siisay, dabadeedna waxaa la ogaaday inay Caanu wateen Walxo Hurdo ka keenaya Qofkii caba.
Waalidku wuxuu rumeysanyahay in Gabadhooda iyo Saaxibadeed ay iska kaashadeen sidii Walxahaas Hurdada ku ridaya Qofka loogu dari lahaa Caanaha, maxaa yeelay waxay Gabdhu dhibaato ku qabtay Waalidkeed oo ka horjoogsan jiray inay isticmaasho Internet-ka marka Waqtigu uu gaaro 10-ka Habeennimo.
Gabadha ay dhaleen Labadan Waalid iyo Gabadhii Saaxibteed ahaydba waxaa lag geeyay Maxkamadda Dhalinyarada loogu tala galay si loogu qaado Dacwad la xiriirta inay maleegeen Shirqool iyo inay Raashin ku dareen Maan-dooriye.
By: Abbdul Rachid Abdi Jama
rashka282@gmail.com
Borama Awdal
No comments:
Post a Comment