Nin la yidhaa Mr. Charlie Wilson oo ku nool nolol aad u sarraysa, kuna
shaqaysta xirfadaha maamulka xisaabaadka oo uu ku helo lacag malaayiin
doolar gaadhaysa, ayaa waxa si kedis ah ugu dhuftay cudurka
waax-qallalka, kaasoo illowsiiyey dhammaan marxaladihii kala duwaan ee
uu soo maray tan iyo maalintii uu dhashay.
Mr. Charlie ma xasuusan karo guurtii uu guursaday, xaaskiisa
lafteeda iyo laba carruur ah oo u dhalay, mana garanayo 20 sanno oo uu
ka shaqaynayey xisaabaadka oo uu ahaa maareeye bangi, xataa isaga
qudhiisa ayaan is garanayn cidda uu yahay.
Ninkan dhibaatada caafimaad-darro ku habsatay oo u dhashay dalka Scotland waxa ku adag inuu aqoonsado qof ka mid ah qoyskiisa.
Gabadhan baan eegay,
waxaanay igu tidhi; waa anigii, waxaanan ahay xaaskaagii Jackie, balse
wax fikrad ah kama haysto cidda ay ahayd,? ayuu yidhi Mr. Charlie.
Xaaskii Jackie oo labadeeda carruur ah aabbahood cusbitaalka ugu
gaysay maalintii ku xigtay markii cudurkani haleelay, waxa uu aqoonsan
waayey qoyskiisa, isagoo ka arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; ?Waan
eegay, waxaanan u maleeyey in ay meel uun igala xidhiidhaan, laakiin
wax macluumad ah kamaan haysan, magacyadooda ma garanayo. Gabadh yar baa
xaggayga u soo dhaqaaqday anigoo eegaya, Jackie-na dhawr jeer bay
magacyadooda ii sheegtay iyo da?doodaba. Dadkan i khasbaya waan la
yaabbannaa, caruurtaydiinna way iga cadhoodeen. Waxaan arkay Jackie oo
ilmada ka tiraysa. Ubadku waxay markii guriga la igu waday lahaayeen
aabbo miyaanad na garanayn? Hooyo nama garanaayee, ilaa afar sanno oo
noloshayda dambe murugo ayey ku jireen,?
Inkastoo Mr. Charlie aannu waayin oo keliya xasuusta, laakiin wuxuu
waayey dhammaan dareemayaasha dhinaca midig ee jidhkiisa laga bilaabo
wejiga ilaa baabacadda hoose ee lugta midig, sidoo kalena labada indhood
ee geestaa waxba kama arko.
Mr. Charlie oo 49 jir ah waxa uu sheegay inuu noloshiisa oo dhan ku
mashquulsanaa shaqo, shaqadii badnaydna cudurkan ku keentay, isagoo
xusay in maalin kasta shaqayn jiray 16 saacadood oo xidhiidh ah.
Xisaabiyahan xannuunku naafeeyey waqtigan oo xaaladdiisa caafimaad ka
soo raynayso waxa uu awood u leeyahay inuu cuntada samaysto, waxyaabaha
aasaasiga ahna qabsado
?Imminka aad baan u faraxsanahay oo wax baan yara dareemayaa.
Xaaskaygu dedaal dheeraad ah ayey ii gashay, muddudaasna way ila soo
silcaysay, abaal weyn bayna caafimaadkayga ku leedahay,? ayuu yidhi
Charlie.
By:Abdul Rachid Abdi Jama >rashka<
Borama Awdal
No comments:
Post a Comment