Pages

Monday, February 26, 2018

SONYO DOES NOT MEAN FOR YOUTH

Corruption has no age. As the voices speaking out against corruption grow, more and more young people are getting in touch with Corruption Watch to report on their experiences. What the data has shown is striking – evidence of corruption affecting young people in their most earnest endeavors. Young people are fighting an uphill battle trying to improve their lives through work
opportunities and education. Unfortunately, corruption has penetrated the lives
of youth too.


Wednesday, July 5, 2017

Qaxootiga Xadhkaha Goostay; iyo Ku Qul-Qulidda Qaaradda Europe.

Qaxootigu iskama abuurmin ee sababo dhaliyey ayaa jira. Waxay Somalidu ku maahmaahdaa haad habeen kacay sabab kicisay ayaa jirta ee iskama kicin.
Markii Ingriisku sameeyey warshadaynta ( Industrial revolution) wax yar kadiba waxaa iyaguna ka daba sameeyey wadano kale oo ay ka mid tahay Faransiiska. Markii dambe waxay wada gaadhay qaaradii Europe oo wadan waliba dadaalkiisa ku samaystay. Waa qarrnigii 1870 ilaa 19 kii. Ingriisku gelin ayuu ku amar ku taagleeyey sancadii oo uu dhaqaale badan ka helay kana dhigay in uu noqdo quwadda ugu wayn.
Markii ay reer Europe heleen dhaqaale iyo xoog  waxay bilaabeen gumaysi iyo in ay xoog ugu taliyaan dunida inteeda kale. Waxay bilaabeen in ay qaybsadaan dunida si ay hantida dalalka ay gumaystaan ay hantidooda ay u bililiqaystaan iyo xoogooda si ay alaabooyinka caydhiin ugu helaan warshadahooga (Raw material) Waxaa iyadana ay dhinac wadeen in aanay waxba barin dalalkaas si aanay hadhaw ula tartamin.
Waxaa kale oo ay curiyeen oo garab socotay fikradaha nidaamka hanti wadaaga iyo hantigoosadka. Ka hor inta aanay noqon quwadaha kowaad dhaqaale iyo xoogba waxaa ahaa quwadda ugu dhaqaalaha badan wadanka Shiinaha. Waxaa kadib ay u kala qaybiyeen dunidii reer galbeed iyo reer bari. Waxaa borotankii keenay in ay kala noqdaan laba quwadood oo kala aaminsan laba fikradood. Waxay kala samaysteen laba ciidan beeleed oo ay ugu magac dareen Nato iyo Warsaw. Waxaa reer galbeedku bilaabeen siyaasad colaadeed oo ay doonayaan in ay ku burburiyaan wadanadii iskaga bahaystay shuucinimoda oo ay hormood u noqdeen Ruushka midoobay iyo Shiinuhu. Waxaa ay curiyeen cadaawadda la baxday dagaalka qabaw (Cold war)

Friday, April 28, 2017

Beeruhu waa Badbaadada iyo Badhaadhaha Dalka

Isku filnaanshaha cuntadu waa mid ka mida ifafaalooyinka muujinaya horumarka dhaqaale ee uu dal samaynayo ama gaaray, wax ka soo dhoofsashada wadamada dibadduna waa astaan muujinaysa heerka dib u dhac iyo dhaqaale xumo oo wadamada qaar wajahayaan. Koboca Wax soo saarka beeruhuna waa wadada keliya ee horseeda hormarka dhinaca warshadaha sidaan ku aragnay taariikhda dhaqalaale ee aasiya (asia) soo martay, sidoo kale waa mid kordhinaysa ama kor u qaadaysa dakhliga wax dhoofinta iskuna dheeli tiraysa dakhliga wax dhoofinta iyo kharash wax soo dejinta ( balance of payment) ee wadamada. Qaaradda afrika (Africa) waxay ka mid tahay goobaha fara ku tiriska ah ee weli ku duuganyihiin khayraarka dihin (potential resource) una baahan in laga faa’idaysto. Waxaynu nahay mid ka mid ah qaarada maanta dunida horumartay ay ugu jirto tartan maalgashi iyo mid dhaqaaleba se aad moodo inay dadkeedii hurdaan aysana arkayn ba waxay arkeen wadamada reer yurub (Europe), America, wadamada Asia iyo qayb ka mida waddamada khaliijka carabta.

Saturday, March 25, 2017

MID IGA QORA


Marka hore Rabbi bay mahadi u sugnaatay inaga dhigay dad islaam ah, Rasuulkiisana naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Intaas ka dib wakhtigan aan qorayo mowduucan waxa aan ku suganahay guriga xaafadu ka degan tahay magaalada Boorama waxaanan qalinka u soo qaatay in aan qoraal ku muujiyo aragtidayda ku aadan waxyaabaha maskaxdaydu isleedahay waa in aad qortaa oo aad qayrkaa iyo qaar kale oo dadka ka mid ah uga faa'idaysaa.